Nimco Rabbi Oo Ku Hoortay (Roobki Deyrta) Deegaanada Gobolka Gedo….

0

Garbahaarey, AGGM:Roobka xilliga deyrta ayaa ka curtay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan saamayn ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha.

Roobka ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii shalay ahayd ka da’ay degmooyinka Garbahaarrey, Baardheere, Beled Xaawo iyo deegaannada hoostaga, sida ay Warbaahinta gudaha dalka ay u sheegeen dadka deegaanka.

Roobka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka da’a degmooyinkaas, muddo afar sano ah.
Gobolka Gedo ayaa ka mid ahaa gobollada ay sida ba’an u saamaysay abaar ku dhufatay qaar ka tirsan gobollada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com