Qorshihii Al-Shabaab oo la fashiliyey!

0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa hawlgallo 24-ka saac ah ka waday Muqdisho taniyo bilowgii November, iyagoo ka hortagay ugu yaraan 20 weerar oo xidhay daraasiin hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ah iyo in ka badan 20 dagaalyahannada al-Shabaab ah, siday ay sheegtay Wasaaradda Amniga Qaranka.

Al-Shabaab ayaa qorsheeyay weerarismiidaamin ah oo lagu beegsanayay shacabka degmada Dharkenleey oo uu socday salaadda subax Jimcihii hore (14-kii November), ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda Maxamed Yuusuf Cusmaan, laakiin waxaa ciidamada ammaanka u suuro gashay inay ka hortagaan weerarka.

“Waxaan soo qabannay shan qof oo u diyaarsanaa in ay isqarxiyaan iyo qofkii guriga ku hayay, [waxaanan qabannay] afar jaakadaha qaraxa ah iyo laba qarax oo ku jiray boorsooyinka garabka ee dumarka,” ayuu yiri.

“Dhammaantood waxay rabeen in ay shacabka isku qarxiyaan subaxnimadii Jimcaha, laakiin waxaa noo suura galiyay inaan ka hortagno xog aan ka helnay shacabka degmada Dharkenleey ee magaalada Muqdisho,” ayuu yidhi.

Intii uu socday hawlgalku, waxay ciidamada ammaanku sidoo kale soo qabteen hub iyo shan baabuur oo ay al-Shabaab u adeegsan jireen inay dadka ka toogtaan, kuwaas oo uu ku jiro baabuurkii loo adeegsaday dilalkii shan xildhibaan oo Soomaali ah, oo ay ku jirtay Saado Cali Warsame.

“Baabuurta waxaa sidoo kale loo adeegsaday afduubyo badan iyo dilal loo geystay shacabka,” ayuu yidhi Cusmaan.

“Waxay xukuumaddu sidoo kale la wareegtay afar guri iyo saddex garaash oo loo adeegsan jiray xarun lagu diyaariyo qaraxyada,” ayuu yidhi.

Cusmaan ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay feejignaadaan oo ay ka taxaddaraan halka ay dhiganayaan baabuurtooda si aysan hawlwadeennada al-Shabaab ugu xidhin qaraxyo.

“Amni buuxa ma ahan wax [hal mar] la gaadhayo,” ayuu yidhi, isagoo ugu baaqay shacabka inaysan niyad jab ka qaadin weerarrada goosgooska ah ee kooxdu fuliso.

“Waxa hadda socda waa in al-Shabaab ay niyad jab la rafanayso markii ay gaadhi wayday hadafyadeedii iyo markii ay ka adkaadeen [ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa huwanta],” ayuu yidhi Cusmaan. “Hadda, waxay rabaan inay waxyeello u geeystaan shacabka oo ay khasaaro geeystaan si ay u yidhaahdaan, ‘Wali waan joognaa oo waxaan fulinay qarax’.”

“Laakiin dhibaatooyinka iyo burburka loo geystay al-Shabaab ayaa taas ka weeyn, marka rafashadooda yaan la fiirin ee aan sii wadno taageridda hay’adaha ammaanka,” ayuu yidhi.

Tallaabooyin ammaan oo dheeri ah ayaa loo baahan yahay

Kornayl Daahir Timacadde, oo ka hawlgabay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay hawlgalladan amniga ee ugu dambeeyay laakiin wuxuu sheegay inay wali jiraan dhaliilo xagga amniga ah ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

“Ciidamada ammaanku kuma jiraan xaaladdii ay ku sugnaayeen saddex sano ka hor markii ay la dhibaateeysnaayeen qalab la’aan,” ayuu sheegay. “Hase ahaatee, waxay u muuqataa inay wali jiraan dhibaatooyin badan maaddaama ay wali dilal ka dhacaan isgooysyo waaweeyn sababtoo ah waxaan joogin ciidamo ammaan.”

Xukuumadda Soomaaliya waa inay baabuur bilays dhigtaa isgooys walba oo Muqdisho ah si ay waqti munaasab ah uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah, ayuu yidhi Timacadde.

“Waxaan mar walba maqalnaa kooxo baabuur ku jira ayaa dilay dad u shaqeeya dawladda oo haddana ka baxsaday goobtii uu dambigu ka dhacay,” ayuu yidhi. “Taasi waxay muujinaysaa tayo xumada ciidamada ammaanka. Dawladdu waa inay la timaadaa qorshe dhammeeystiran oo looga hortago khataraha noocaas ah.”

“Inkastoo aan ogahay inuusan amnigu u sugneeyn sidii laga rabay, haddana ciidamada amnigu waxay naga istaahilaan ammaan inta ay ku guda jiraan dadaallada lagu sugayo amniga,” ayay tidhi Maryam Maxamuud, oo ah 25-jir deggan Muqdisho oo maamulka dawladda ka baratay Jaamacadda Soomaaliya.

“Waa inaan si kal iyo laab ah ugala shaqeeynaa dabargooynta argagixisanimada,” ayay tiri, iyadoo ugu baaqday shacabka inay labalaabaan taageerada ay u hayaan ciidamada ammaanka si ay magaaladu ugu noolaato nabad.

Maryam ayaa ugu baaqday dawladda inay ku dhiirri-galiso dagaalyahannada al-Shabaab inay isku soo dhiibaan barnaamijka cafiska iyo inay sugto nabad-gelyadooda si ay u aaminaan barnaamijka.

“Dawladdu waa inay qabataa barnaamijyo wacyigelin ah si ay u ogeeysiiso dadka raba inay isdhiibaan inaysan la kulmeeyn wax dhibaato ah,” ayay tidhi. “Waa inay dawladdu sidoo kale kordhisaa tirada xarumaha dhaqan-celinta si fikradihii xagjirka ahaa ee qalbiga looga shubay [inay aaminaan] looga saaro quluubtooda.”

Dhallinyarada waa in sidoo kale la siiyaa tababarro shaqo si ay u helaan shaqooyin ay naftooda ku taageeraan si lacag loo ballanqaado aan loogu soo jiidan inay ku biiraan al-Shabaab, ayay tidhi Maryam, iyadoo ugu baaqday jaallayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka inay taageeraan dadaalladan.