Sawirro:Dr. Axmed Faarax Ducaale oo agab waxbarasho ku wareejiyey Dugsi ku yaala Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Dr. Axmed Faarax Ducaale oo kamid ah Aqoonyahanka kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa deeq isugu Jirta Miisaska ardaydu ku fariisato, Kambayuutarro, Shaybaar, Sabuurado iyo qalabka isboortiga oo kala duwan gaarsiiyay saddex  Iskuul oo ku yaala gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka, Garbahaarey, Beled-xaawo iyo Tuulo Barwaqo.

Deeqdan la gaarsiiyay Iskuullada gobolka Gedo ayaa waxaa munaasabad lagu wareejinayay oo ka dhacday degmada Garbahaarey ka qeybgalay maamulka gobolka, dagmada, Macalimiin iyo mas’uuliyiin kale. Waxana ugu horreyn madasha ka hadlay masuuliyiinta gobolka oo tilmaamay in deeqdani baahi weyn  ay u qabeen dugsiyada ku yaala gobolka, waxana ay codsadeen in la kordhiyo deeqaha noocan oo kale si kor loogu qaado tayada waxbarasho  gobolka Gedo.

Deeqan ayaa waxaa  markii mamaulka lagu wareejiyay faah-fahiyay Noocyada ay kakoobneyd iyo tiradoodaba Axmed Faarax Ducaale oo Sheegay in uu ugu talagalay deeqdani dugsiyada waxbarasho ee gobolka ku yaala, isagoo xusay ineysan maanta ku ekaan doonin caawinaada ay Siinayaan ardayda wax kabarata dugsigaasi.

Dhanka kale, Dr. Axmed Faarax Ducaale ayaa ugu baaqay bulshada kasoo jeeda gobolka Gedo ee ku dhaqan dalka dibeddiisa in ay soo caawiyaan dadkooda, isagoona xusay dib-u-dhac baahsan oo dhan walba leh uu ka jiro gobolka Gedo, gaar ahaan deegaannadii uu booqday, looga fadhiyo dadka u dhashay inay kusoo noqdaan gobolka kana qeyb qaataan horumarinta gobolka.

Sidoo kale qaar kamid ah maamulka guud ee dugsiyada deeqda la gaarsiiyay  ayaa uga mahadceliyay Dr. Axmed Faarax Ducaale deeqdan uu soo gaarsiiyey, iyagoo tilmaamay in ay  kusoo aaday xili si aad ah loogu baahnaa, isla markaana baahi weyn ay u qabeen bulshada ku dhaqan gobolka in gacan laga geysto sidii kor loogu qaadi lahaa tayada goobaha waxbarashada gobolka oo bur-burkii dowladdii dhexe kadib aan helin wax gurmad ah.

Lars 016 Lars 087 - Kopi Lars 091 - Kopi Lars 096 - Kopi Lars 110 - Kopi Lars 147

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com