SHAACIN: Maxaad ka taqaan afarta nin ee la taliya R/wasaare Cabdiwali Sheekh? (Sawiro)

0
khilaafka dhex yaalla madaxda dalka ee u gudbay Barlamaanka ayaa la ogaaday ragga soo maleegay bilowgiisa iyada oo qaabab kala duwan ula taliya RW C/wali Sheekh Axmed si qaska iyo jahwareerka u daba dheeraado.

Ayada oo aan horey usoo qornay ragga khilaafka ka hurinaya dhinaca madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Faarax C/Qaadir iyo Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, ayaa waxaan markan eegeynaa dhinaca ra’iisul wasaaraha.

Xubnaha oo qaarkood waa rag hore ula soo shaqeeyay Madaxwayne Xasan Sheekh xilligi uu doorashada galayay. Hadaba wax ka baro raggan saamaynta kuleh siyaasadda uu ku dagaal galayo R/W C/Wali.

juriile11. Cabdirisaaq Juriile: Wuxuu hore Bare uga soo noqday Jaamacaddii umadda, xilligii kali-taliska. Waxaa lagu eedeeyaa inuu ku lug lahaa musuq maasuq iyo dhaqaalo lunsi. Wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii kumeel gaarka ahaa. Sidoo kale wuxuu u tartamay jagada Gudoomiyaha Barlamaanka oo uu markii danbe ka tanaasulay. Hadda waa Gudoomiyaha Guddi hoosaadka axsaabta. Juriile wuxuu ciyaarayaa siyaasad waalan oo uu ku doonaayo inuu kusoo laabto saaxada siyaasadda.

 

 

ridwaan2 – Ridwaan Xirsi Maxamed: Ninkani waxa uu qayb wayn ku lee yahay khilaafka labada masuul dhex yaalla. Waa Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna wasiirka awqaafta. Ridwaan wax hawl ah kama qaban wasaaraddii Awqaafta marka laga reebo kutubo iyo buugaag mucaawina ah oo uu mararka qaar qaybiyo. Waxa uu hore uga mid ahaa shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Yaman. Waxaa lagu eedeeyaa inuu iibsan jiray deeqaha Waxbarasho ee Soomaaliya la siiyo. Ridwaan wuxuu dagaal hoose ugu jiraa sidii Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf loogu hayn lahaa jagada gudoomiyaha maxkamadda sare oo waayadan danbe u ekaa mid gabalkiisa sii dhacaayo, taas oo caqabad ku ah isbadalka la doonayay in lagu hagaajiyo musuqmaasuqa baahay ee hay’adaha garsoorka ka jira. Ridwaan wuxuu buuxiyay booskii Fowziyo Yuusuf Xaaji oo ay isku hayb yihiin. Sababaha ugu wayn dagaalkiisa waa inuusan soo laabanayn hadii xukuumadda hadda jirta la kala diro. Wuxuu u xusul duubayaa inuu dantiisa siyaasadeed ilaashado.

 

uu3 – Dr. Maxamed Nuur Gacal: Ninkani wuxuu ka qayb qaatay dhismihii Xisbiga PDP ee Xasan Sheekh musharaxa u ahaa. Dadaal wayn wuxuu u galay ridistii xukuumadii Saacid oo uu Wasiiru Dawle ka ahaa. Waxaa lagu tiriyaa dadkii sababta u ahaa in R/W C/Wali xilkan loo dhiibo. Waxaa la sheegaa inuu kasoo ka xeeyay Sucuudiga, kana gaday Madaxwaynaha in C/Wali yahay nin u qalma booskan, laakiin wuxuu ka carooday markii madaxwaynaha uu booskiisa ku badalay Mustaf Sheekh Cali Dhuculoow oo ku hayb ah. Dr Gacal waa la taliyaha R/W C/Wali. Ninkan oo si hoose u yaqaana kooxdii uu hore uga tirsanaa ayaa samaynaya ciyaar siyaasadeed oo uu doonaayo inuu kala tuuro hamiga iyo higsiga dawladda Xasan Sheekh.

 

 

gaandi_in_gaarissa4 – Prof. Maxamed Cabdi Gaandi: Ninkani waa nin aqoonyahan ah, horena wasiirka difaaca uga soo noqday xukuumadii Cumar C/rashiid. Wuxuu aasaasay Azania oo qorshaheeda fashil ku dhamaaday. Sidoo kale waa nin xiriir la leh dawlado shisheeye sida Faransiiska, Norway iyo Kenya. Gaandi wuxuu dagaal mudo dheer socday kula jiray Dawladda Xasan Sheekh isaga oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in xukuumadda hada jirta ay carqaladayso hiigsiga 2016.

Si kastaba ha ahaatee qorshahan afartan nin ayaa banjarsan ilaa iyo hadda, iyada oo xaalka kooxdan daaha gadaashiisa ka hagta RW C/wali uu kusoo aruuray abaabulida qas iyo fawdo ka dhacda gudaha Barlamaanka taasoo mudo kooban dhiig joojin u noqon karta Ra’iisul Wasaaraha, balse sida habeen hore ka muuqatay hadalkiisa u eg in waqtigii RW C/wali uu joogi lahaa xafiiska uu dhamaaday.

Kooxdan afarta ah ayaa si toos ah ugu xadgudbaya habsami u socodka fadhiga Barlamaanka si uu gutto shaqooyinkiisa Dastuuriga ah taas oo ka dhigan inay jabiyeen xeerarka u yaalla Barlamaanka. Bal aan ka war sugno halka dhalanteedka raggan ay wadaan uu ku dhamaado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com