Tacsi: R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Iyo Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale.

0

Abu Dhabi, AGGM: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Marwadiisa Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa tacsi u diray Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladii iyo Qaraabadi Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale oo maanta 24-11-2014 ku geeriyooday magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska, waxaana ay alle Subxaanahu Watcaalaa uga baryeen inuu janadii fardowza ahayd ka waraabiyo.

Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxa uu ku tilmaamay Marxuumka Halyay qaran oo ka baxay guud ahaan ummada Soomaaliyeed, isagoona xusay Marxuumka door muuqda inuu ka qaatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale wuxuu jeclaa oo qiimeeyna jiray Soomaalinimada,” ayuu yiri R/Wasaarihi hore ee Soomaaliya Dr. Saacid “Wuxuu tiir adag u ahaa dawladdnimada Soomaaliyeed waxuuna ahaa shaqsi dadaal badan ku bixin jiray inuu hubiyo in dadka la baro dawladnimada.”

Naxariisti Jano Allaha Ka Waraabiyo’e Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale ayaa waxaa uu kamid ahaa saraakiishi ugu horeeyay ee ciidamada Soomaaliyeed, waxa uu mudo dheerna la soo shaqeeyay dowladdi dhexe ee Soomaaliya oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com