Tartan isboorti oo Muqdisho ka furmay

0

Guddoomiyaha Degmada Shangaani ee maamulka Gobolka Benaadir ayaa shalay tartan isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulshada u qabtay ilaa iyo 12-koox oo laga soo kala xulay Waaxyaha ay degmadu ka koobantahay.

Munaasabad kooban oo lagu furayay tartanka isboorti  ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee ku nool degmada, iyado 12-ka koox ay afar ka mid ah yihiin koox yar yar ah, halka sideedda koox ay yihiin dhalinyaro waa weyn.

Maryan Badal Xasan oo ah guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Shangaani oo soo qaban qaabisay munaasabadda ayaa sheegtay in tartankan ay ugu talagaleen sidii maamulkooda uga shaqeyn lahaayeen isdhexgalka bulshada, iyadoo u rajeeysay dhalinyarada ka qeyb qaadaneysa tartanka in ay guuleystaan, isla markaana ay muujiyaan asluub wanaag inta uu tartankani socdo.

Guddoomiyaha degmada Shangaani Saciid Cabdiqaadir Saciid oo furay tartanka Isboorti ayaa sheegay in uu yahay mid hal is arag ah oo kooxdii laga badiya ay ka hari doonto tartanka, waxaana uu intaa ku daray in ay ugu deeqeen agab isboorti oo dhameystiran, si tartankaasi ay uga qeyb galeen.

“12-ka koox ee ka qeyb galaysa tartankan, afar ka mid ah waa dhalinyaro yar yar, halka inta hartayna ay yihiin dhalinyaro waa weyn, kuwaasi oo laga soo kala xulay afarta Waax ee kala ah, Howd, Mooyaale, Jabuuti iyo Midnimo, waxaana u dhignay labo koob oo aan ugu talagalay kooxaha ka qeyb galaya tartanka isboorti” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shangaani.

Shalay waxaa wada cayaaray labo koox oo ka kala socotay waaxyaha Midnimo iyo Howd, waxaana 0-6  looga awood roonaaday cayaartooydii ku cayaaraysa magaca Waaxda Midnimo.