Top News;Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen “Hadda waxaa la joogaa xiligii laga hor tagi lahaa cadowga Soomaaliya ee lama joogo Waqti Khilaaf iyo dib-u-dhac”.

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif,  Ra’iisul Wasare ku xigeenkii hore ahaana Wasiirkii Gacansiga iyo warshadaha ee dowladii KMG ahayd, ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka khilaafka u dhexeeya in ay ku dhameeyaan wada hadal iyo is-qancin.

C/wahaab  waxa uu ugu baaqay madaxda Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan khilaafaadka shakhsi iyo siyaasadeed oo ay ka wada-shaqeeyaan sidii ay ku xaqiijin lahaayeen hiigsiga 2016, isla markaana dadka Soomaaliyeed ugu qaban lahaayeen wixii ay u ballan-qaadeen.

“Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo mooshin la keeno waxay qeyb ka  noqotay dhibaatada Soomaaliya ka jirta 24-kii sano, sidaa daraadeed, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada u dhaartay danta qaranka in ay u midoobaan bad-baadinta wadanka ugana shaqeyn lahaayeen midnimo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiwahaab.

Xildhibaanka ayaa intaas raaciyay  in la gaaray xilligii ay hoggaamiyayaasha dalku dhinac iska dhigi lahaayeen khilaafaadkooda shakhsi iyo siyaasadeed oo ay si wadajir ah uga shaqeeyn lahaayeen maslaxadda dadka iyo dalka.

Sidoo kale wuxuu  sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha uu Soomaaliya uu dariiqa ka weecin karo in ay Somaaliya qabsato doorashadii ugu horreeysay ee si dimuqraaddi ah u dhacda 2016-ka.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com