TOPNEWS:Xasan Sheikh & Jaawaari oo Qoorta isku galay Khilaaf Cusub

0

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo xiligan aysan isku fiicneyn Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa waxaa soo baxay Khilaaf Cusub oo soo kala dhex galay Isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari”.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Khilaafka uu salka ku hayo Riditaanka Ra’iisul Wasaare C/wali oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso in uu meesha ka baxo.

Mas’uuliyiin ku dhaw dhaw Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Noo xaqiijiyay in uu jiro Khilaafkaas oo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu Gudoomiyaha ku yiri”Jawaari Ra’iisul Wasaaraha ayaad la Safan tahay oo dooni meysid in Mooshinka Cod loogu qaado si meesha looga saaro C/wali”.

Waana taas mida keentay in Khilaafka uu soo baxo oo uu banaanka u yimaado sidii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Khilaafkooda oo kale.

Xasan Sheikh Maxamuud oo Gudoomiye Jawaari ku Xumeynaya ayaa Warqado u qoray Mareeykanka”Ethiopia,Midowga Afrika.AMISOM,Maamulka Puntland iyo Jubba in ay Aqoonsadaan Madaxweyne Shariif Xasan oo uu isana soo saaray Warqad uu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Aqoonsatay Maamulkasi,waxaana Dhamaan Jawaab ka soo bixiyay Dhinacyadii Warqada loo diray oo sheegay in ay Ayideen Doorashadii Baydhabo.

M/weyne Xasan ayaa arrintaas oo dhan u sameeynaya Gudoomiye Jawaari oo uu ku sheegay in uu la safan yahay C/wali Sheikh Axmed,waxaana jira Warar Sheegaya in Madaxweynahu uu Xildhibanada ka dalbaday in Gudoomiyaha ay Mooshin ka keenaan si uu meesha uga baxo.