War Cusub:Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig “Shirkii Jaraaid Ee R/wasaare Cabdiwali Sheekh Waxuu Ahaa Miday Mas’uuliyad Daro Ka Muuqatay”…

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ku eedeeyay inuu ka masuul yahay, dhibaatada ka taagan Baarlamaanka.

Xildhibaanka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu muujiyay daro masuuliyad daro, sida uu yiri.

“Qoraalka ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha waxa uu ahaa mid masuuliyad daro ah, wuxuu si meel ka dhac ah uu ku sameeyay mooshinka, oo sharci daro ayuu ku tilmaamay.” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

“Ra’iisal Wasaaraha sharci daro kuma sheegi karo Baarlamaanka, Xildhibaanada kuma sheegi karo inay masuq maasuq ku shaqeeyaan. Mooshinka kuma tilmaami karo sharci daro.” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaanka.

Wuxuu si adag uu u yiri “Ra’iisal Wasaaraha wuxuu maamuli waayay Golahiisa Wasiirada, wuxuu lumiyay wada shaqayntii Madaxweynaha.” Wuxuu kaloo yiri “Nin xal raadinaaya sida uu shalay u hadlay uma hadleen, nin quus taagan oo kale ayuu u hadlaayay.”

Ugu dambeen wuxuu yiri “Ra’iisal Wasaaraha wuxuu maamuli waayay Golahiisa Wasiirada, wuxuu lumiyay wada shaqayntii Madaxweynaha.” Wuxuu kaloo yiri “Nin xal raadinaaya sida uu shalay u hadlay uma hadleen, nin quus taagan oo kale ayuu u hadlaayay.”

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay si weyn ugu kala qaybsamayn mooshinka laga keenay Xukuumada Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Dhinaca kale Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa gudaha Golaha Baarlamaanka looga yaqaan (Gaanadhariga Raaskambooni) ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata in Xildhibaanka ay fikirkaan si toos ah ulla qabaan Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa waxa uu ka mid ahaan jiray Xildhibaanada Dhaantada Qabyaaladeysan u ciyaari jiray R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, haddana waxaad moodaa in Dhaantadi Qabyaaladeysneed inay meesha ka baxday oo uu R/wasaare Cabdiwali Sheekh ku laaday….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com