WAR DEG DEG AH: Wafdi Uu Horkacayay La Taliyaha Madaxweynaha Ee Dhanka La Dagaalanka Argagixisada Oo Gaaray Magaalada Garbahaarey.

0

Garbaahrey, AGGM: Wararka naga iminka soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Wafdi uu horkacayay La Taliyaha Madaxweynaha Ee Dhanka La Dagaalanka Argaggixisada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in La Taliyaha Madaxweynaha Ee Dhanka La Dagaalanka Argaggixisada uu shirar albaabada u xiran la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka iyo Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey.

Wafdigan ayaa ku sugnaa magaalada Garbahaarey mudo dhan 2 saacadood, waxa ayna dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

Ma ay jiraan illaa hadda wax war ah oo ku saabsan safarka Wafdigan oo ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Garbahaarey.

Waxii ka soo kordha Warkan kala Soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com