War Deg Deg Ah: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale Oo Ku Geeriyooday Magaalada Leicester Ee Dalka UK.

0

Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2014 ku geriiyooday magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale .

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Xaaji Maxamed Masale iyo Reer Cumar Bashiir Xaaji Masale, gaar ahaana Walaalaheen Shirwac Cumar Xaaji Masale iyo  Mahad Cumar Xaaji Masale, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale, waxaan kale oo aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Gen. Cumar Xaaji Maxamed Masale Janadi Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

omar11

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com