WAR DEG DEG AH:- Qaraxa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho, AGGM: Qarax lagu Xiray Gaari ayaa Galabta ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,waxaana Qaraxa dhawaqiisa laga maqalay Xaafado kamid ah Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa AGGM  u sheegay in Qaraxa uu ku dhaawacmay Ninkii Gaariga watay,inkastoo aan wali la helin Cida uu u shaqeeyo Ruuxaasi la qarxiyay.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobta Durbadiiba gaaray,waxaana ay goobta ka wadaan  Baaritaano Xoogan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com