DAAWO: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagu buuqay markii xarunta Golaha shacabka uu galay

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu baaqay markii uu gudaha u galay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Jawaari iyo kuxigeenadiisa ayaa aad loogu buuqay, xitaa ma uusan fariisan kursigiisa, iskaba daayee inuu la hadlo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Mooshinka diidan oo aad u careysan ayaa ku buuqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa, waxaana taasi ay keentay in Jawaari uu ka baxo hoolka shirka oo uu galo xafiiskiisa ku yaalo xarunta Golaha shacabka.

Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenadiisa ayaa hada kulan ku leh xafiiska Golaha shacabka ay ku leeyihiin, waxaana ay ka arinsanayaan sida ay xaalada jirta ka yeeli lahaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com