Dhageyso+Cadeyn:Xildhibaanada Oo Loo Qeybiyay Warqadihi Mooshinka Iyo Maalinta Axada Ah Oo Ay Xildhibaanada Ka Doodi Doonaan?

0

Muqdisho, AGGM:Waxaa maanta markii sadexaad buuq uu hareeyay kalafadhigii Baarlamaanka,waxaana iyadoo uu socdo buuqaas Xildhibaanada loogu qaybiyay warqadaha Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa Waxa ay jeex jeexeen gabi ahaan warqadihi Mooshinka, sidoo kalena waxaa Golaha Shacabka hareeyay buuq iyo sawaxan.

Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa waxa ay u kala jabeen laba garab waxa ayna qabaan laba fikir oo kala duwan Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay leeyihiin Mooshinka ayaan wadnaa halka Xildhibaanada qaar kalena ay leeyihiin Mooshinka xalaalba ma,ahan oo wana diidnay.

Sidoo kale Waxaa dhici karta in Xildhibaan walbaa siduu jecel yahay in uu wax u sheego, Barlamaanka waxaa Gudoomiye u ah Maxamed Cismaan Jawaari, Wixii intaas ka baxsan waxay noqonaysaa hal iyo ku tiri ku teen.

Maanta Barlamaanku waa shiray, muxuu soo saarayse, Waxaa fiicnaan lahayd in Xildhibaanada ay sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen ugu sheegaan  shacabka si ay u ogaadaan waxa dhacay ee dhabta ah, Haddii Xildhibaanada ay  oranayaan ma ahan Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari-se waa arin kale.

Maxaa Dhacay Maanta

1- Wuxxuu Gudoomiye Jawaari si sharci ah u ogolaaday in la qaybiyo Ajandaha kulanki maanta oo ahaa Mooshinka dhanka ka ah Xukuumada uu hoggaamiyo Ra’isulwasare Cabdiweli Sheekh Axmed. eeg qoraalka sawira ee koowaad.

2- Gudbin Mooshin ku saabsan Kalsoni kala noqoshada Xukuumada Federalka, Iyadoo ka doodista Mooshinkaas kalasooni kala noqoshadu ka bilaabmi doono Barlamaanka 30 Nov 2014.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaano badan oo Ka tirsan Baarlamaan islamarkaana aad u taageersan Xukumada uu hogaamiyo Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed aaminsana in Mooshinka uu yahay mid siyaasadeesan oo laga soo abaabulay Xafiiska Madaxweynaha sidaa awgeedna aysan aqbaleen Mooshinkaas…

Isku soo wada duboo waxa la wada dhoowraaba waa maalinta Axada ah ee ay  Taariikhdu tahay 30-11-2014 oo ay fadhi isugu imaan doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay uga doodaan kalsooni kala noqoshada Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Lifaaqa Qoraalka Gudoomiyaha Barlamaanka Saxiixan yahay Hoos Ka Akhriso

haa haa1

 

Waxii Kasoo kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com