Warkii Ugu Dambeeyay+DAAWO: Fadhigii Baarlamaanka Oo Markii 3-aad Buuq Kusoo Dhamaaday….

0

Muqdisho, AGGM:Waxaa buuq ku dhamaaday kulankii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku lahaayeen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Maanta oo Isniin ah waxaa loo balansanaa in xildhibaanada loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, si ay usoo akhristaan xildhaibaanada.

Balse waxaa markii ugu horeysay Laba jeer la jeex jeexay warqadihii xaadirinta xildhibaanada soo shaqo tagay, halkaasi oo ay ka bilaabatay sawaxan xoogan.

Xildhibaanada ayaa gudaha iska soo galay, waxaana xusid mudan in maanta wariyaasha loo diiday gudaha in ay u galaan xarunta golaha shacabka iyaga oo laamiga shishe lagu celinaayay.

Xildhibaanadii keenay Mooshinka qaarkood ayaa waxay bilaabeen in ay qeybiyaan warqado ay ku sheegayaan Mooshinka inuu yahay, taasna waxay keentay in xildhibaanadii kale ee mooshinka diidanaa ay warqadahaasi jeex jeexaan.

Intaasi ka dib ayaa abaare 11:30 ee barqanimo waxaa xaruntaasi gaaray gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo la filayay in kulanka uu daah furo hase ahaatee xildhibaanada diidan mooshinka ayaa kala hortagay buuq aad u xoogan.

Jawaari ayaa qabsaday Codbaahiyahii, waxaana uu weydiiyay xildhibaanada inay haystaan mooshinka iyo in kale, hase yeeshee inta uu hadalka halkaasi marayay ayaa xubnihii diidanaa mooshinka, waxa ay jar jareen fiilooyinkii codbaahiyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka markii lagu sii buuqay, waxaa la sheegay in halkaasi uu kasoo tagay, iyadoo aanu si rasmi ah kulanka u furmin.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada wada mooshinkaan, waxa uu u sheegay Warbaahinta, in mooshinkaan loo qeybiyay, islamarkaana ay soo akhrisan doonaan.

Mar aynu wax ka weydiinay cidda u qeybisay mooshinkaan, waxa uu sheegay in sidada caadada ah ay u siiyeen shaqaalaha Baarlamaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maxamuud Cali Gaarane oo isna ka mid ah xubnaha diidan mooshinkaan, ayaa u sheegay Warbaahinta, in aan la qeybin wax mooshin ah, laakiinse ay jireen xildhibaano qeybiyay warqado mooshin lagu sheegay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Gaarane ayaa tilmaamay in kulanka dhan aanu furmi, marka loo eego sharciga uu kulanka ku furmo, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin wax soo baxay.

Isku soo wada duuboo Waa maalintii Sedaxaad oo buuq uu kusoo dhamaado kulanka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Laba jeer oo hore ay sidaan oo kale dhacday, waxaana baarlamaanka yaala mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

baar3 baar4 baar5 baar6

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com