Warqad furan: Soomaaliya xiisad iyo xoog uma baahna ee xikmad iyo xalbay u baahan: Haddii aadnaan dalka xalin karin xilka iska casila!!.W/Q. Ex Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Xersi

0

Warqad furan oo ku socota madaxda dowlada federaalka.

Soomaaliya xiisad iyo xoog uma baahna ee xikmad iyo xalbay u baahan: Haddii aadnaan dalka xalin karin xilka iska casila!!

Arar

Iyadoo laga wada dheregsan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhextaagan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha dowladda federaalka Dr Cabdiweli Sheekh Axmed iyo saameynta weyn ee uu khilaafkaasi ku yeeshay xildhibaanada golaha Baarlamaanka, ayaan waxaan ku federay inaan madaxdeena u soo jeedo talooyinka kooban oo aan filaayo inay wax ka tari karaan dhibaatada taagan. Talo-bixintaan ayaa waxaa ay ka kooban tahay mid madaxweynaha khuseeysa, mid ra’isulwasaaraha ku socoto, mid guddoon baarlamaanka iyo xildhibaanada loogu talo galay iyo ugu dambeeyn dardaaran ku wajahan qof kasta oo soomaali ah oo damiir wadanimo iyo dareen qofnimo ku jirto.

Madaxweynaha

Madaxweyne, xasuuso dhaartii aad ilaahay iyo shacabka soomaaliyeed hortiisa ku martay ee ahayd sida uu dastuurka qodobkiisa 96aad ku qoran oo ah” waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeygu u gudto si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta, dhowrana dastuurka and shuruucda kale ee dalka”. Madaxweyne, waxaan la soconaa dalka iyo dadka aad madaxda u duruufaha ku haysta dalka gudihiisa iyo dibadiisa; waxaana kugu filan xal u raadinta dhibaatooyinka dalka burburay ilaa iyo maantana sii kala diraaya. Anigoo wax badan tixgalinaaya kuuna turaaya waxaan ku siinayaa saddex talo:

  1. Dadka soomaaliyeed ee aad madaxda u tahay ee ay dhibaatooyinku kala geeyeen u damqo oo ka shaqee inaad wixii khilaaf ah ee jira ku dhameeysid wada hadal, isqancin iyo isutanaasul ka tarjumi kara danta dalka, dadka iyo diinta, waxaadna ogataa soomaaliya xoog uma baahna ee xigmad ayey u oomantahay.
  2. Madaxweyne, afkaaga ka ilaali erayada baryahaan dambe saxaafaddu kaa soo xiganeysay ee ah “ Ma heshiino karno iyo Ma wada shaqeyn karno” waayo erayadaasi waxay baabi’in karaan rajadii ummadda soomaaliyeed ee aad madaxda u tahay kaa qabtay ee ahayd inaad xalisid khilaafka mudada nusqarniga ka badan socda ee saameeyey nin qoys ilaa qaran. Erayadaasi waxay sidoo kale dhibaato ku yihiin dowladnimo oo soomaaliya ka hanaqaado, taasoo u baahan xilkasnimo, adkeysi iyo dulqaad.
  3. Madaxweyne, adiga oo ogsoon in xilka aad hayso ilaahaygii kuu dhiibay uu kugula xisaabtami doono ummadda soomaaliyeedna ay kugu fiirsanayso; adiga oo ka run sheegaaya dhaartii aad martay ee dadkii markhaatiga ka ahaa aan qudheeydu ka midka ahaa; adiga oo tixgelinaayo awooda aad u leedahay inaad wax ka qabatid wixii badnaa aad balanqaaday markii aad doorashada rabtay; adiga oo dib u xusuusanaayo wixii aad ku dhaliili jirtay raggii adiga kaa horeeyey; waxaan kugula talinayaa haddii aadan wax qaban karin ummadaan dhibaato kale ha u keenine fadlan iscasil oo fursad sii qofkii kale ee dhibkaan wax ka qaban karo.

Ra’isulwasaaraha

Mudane Ra’isulwasaare, markii aad dalka ku soo noqotay ee uu madaxweyne Xasan kuu magacaabay ra’isulwasaaraha dowladda federaalka ah, waxaad sheegtay inaad haysatay shaqo fiicaan sababtii aad dalka u tihidna waxaad ku sheegtay inaad dooneyso in dhibaatooyinka dalkeena iyo dadkeena soomaaliyeed daashaday aad wax ka qabaneyso, waxaad ku dhaaratay dhaarta ku qoran dastuur ee ah “ waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeygu u gudto, si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta, dhowrana dastuurka and shuruucda kale ee dalka”. Ra’isulwasaare, waxaan kuu soo jeedinayaa saddex talo oo aan ku hanweynahay haddii aad raacdo inay wax fiican ka tara karaan shaqadaada.

  1. Ra’isulwasaare, waxaad ogtahay in dalkeenu soo maray welina dhexmuquuraayo dhibaato ay keeneen khilaaf iyo dagenaansho la’aan siyaasadeed. Sidaas darteed waxaan kugula talinayaa inaad ka shaqeeyso xal u helidda wixii keenay khilaafkan siyaasadeed ee ka dhex aloosan adiga iyo madaxweynaha. Waxaadna ogataa in siyaasaddu tahay xalkeenid ku saleysan hal-abuurnimo ee aaney ahayn xiisan abuurid iyo xasad kicin.
  2. Ra’isulwasaare, waxaad ka dheregsan tahay in madaxweynuhu yahay kormeeraha shaqada kaaga sareeya ee koowaad, waxaadna ogotaa in sida uu qabo qodobka 90aad xarafkiisa (e) iyo duruufaha kale ee dalka ka jira ay lama huraan tahay intaad madaxweynaha la tashatid adiga oo aan lumineeyn awoodahaaga dastuuriga ah eek u cad qobobada 97aad, 99aad iyo 100aad.
  3. Ra’isulwasaare, haddii ay kuu soo baxdo in dhibaatooyinka dalka ka jira aadan waxba ka qaban karin, isla markaana uu damiirkaagu ku siiyo in mas’uuliyadaan lagu weydiin doono adduun iyo aakhiroba, waxaan kugula talinayaa inaad iscalisho oo aad fursad siiso ciddii kale ee diyaar u ah iney wax ka qabato dalkaan burburay ee kala tagey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada

Guddoomiye iyo xildhibaano, markii baarlamaankaan la soo magacaabay ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto aad ayey u soo dhaweysay, rajo iyo yididiilo badanna waxay ka qabtay in dhibaatooyinkii la degey baarlaankii ku meel gaar ka ahaa aan lagu noqon doonin. Guddoomiye iyo Xildhibaano, rajadii shacabku idinka qabay dhaawac weyn ayaa gaaray, sumcaddii barlamaankuna maanta wey qaawan tahay. Sidaas darteed waxaan idin kula talinayaa afar qodob oo kala ah sidan:

  1. Guddoomiye iyo xildhibaano, Xalka dhibaatada siyaasadeed kuma jiro mooshin xukuumad laga keeno ee waxaa uu ku jiraa in shuruucdii wax kala saari lahayd iyo hay’addihii fulin lahaa la helo. Guddoomiye, xildhibaano, waxaan idin kula talinayaa ilaaliya madaxbanaanida, sharafta iyo hawlqabadka baarlamaanka.
  2. Guddoomiye iyo xildhibaano, si aad u xalisaan khilaafka madaxda waxaan idin kula talinayaa inaad keentaa mooshin hinse-sharciyeed ah, oo si cad u qeexaya awoodaha madaxweynaha, ra’isulwasaaraha, goleyaasha iyo hay’adda dastuuriga ee dowladda.
  3. Guddoomiye iyo xildhibaano, keena oo meel mariya sharciga maxkamadda dastuuriga iyo ha’adaha kale eek u qeexan cutubka 10aad ee dastuurka, kuna cadaadiya madaxweynaha in uu si dhaqso ah u dhaqan geliyo shuruucda lagama maarmaanka u ha himilada 2016.
  4. Guddoomiye iyo xildhibaano, dib u xusuusta dhaartii aar ilaahay iyo shacabka soomaaliyeed hortiisa ku marteen ee ahayd “ waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeygu u gudto, si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta, dhowrana dastuurka and shuruucda kale ee dalka iyo mas’uuliyada aad qaadeen; waxaan idin kula talinayaa haddii wixii la idin ku aaminey aadnaan ka soo bixi karin, fadlan iscasila oo fursad siiya ciddii kale ee diyaar u ah in ay wajado xal u helida dhibaatadda taagan.

Shacabka

Soomaaliyeed aduunkiina ku nac adiguna si nacday oo dalkaaga dibadyaal, diifyaal iyo dambasyaal baad ka tahay, haddii aadan dareen isku mid ah dan isku mid iyo daacadnimo la imaan dalkaaga la qaaday ee duflaalka ogolow. Sida aad wada ogtihiin madax keliya ma badbaadiso haddii aan shacab daacad ah la helina maandeeq godka ay ku dhacday ayaa ku duugi doona!!. Hadaba waxaa dhamaanteen na saaran waajibaad ah inaan dalkeena badbaadsano  halista uu ku jiro si inaga iyo ilmaheenuba ay ugu halista soo socota.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa orahdii kooxda qaylo-dhaan ee ahayd “ Xaafadaha Ka soo wada bax oo qaata xubintiina, ilaa aad xaqiinii heshaan yaan la xagal daacin”.

 

Dr. Cabdullaahi Maxamed Xersi

Xildhibaankii iscasilay March 2014

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com