WAXA AY NABADEEN, WAXAA NOOGA DARAN, WAXA AY NABAREEN. W/Q.Khalif Ashkir Diini

0

Dadka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa danaysa arrimaha Soomaaliya, waxay madax-wareer ka qaadeen, khilaafka ka dhex-aloosan madaxda sare ee dalka. Waxaa la isku raacsan yahay in khilaafkaasu yimid waqti aan loo baahnayn tiiyo uu ku yimid (waa khilaafkee) sababo aan u qalmin culeyskiisa. Laakiin waxaan la-isku raacsanayn sidii loo xallin lahaa, waana taas midda ceebtayada bannaanka keentay.

Xaafiiska RUGTA Maskaxdu wuxuu qabaa walwal dheeraad ah oo ka duwan midka dadka badidiis qabaan, kaas oo la xiriira khilaaf-baaseedka.

Haddaba si aad noola qeybsataan walwalkaas, aan u wada dhabba-galno ceebaha ka soo dhex-baxay khilaafka:-

  1. Ceebta kowaadMaxaa Dastuurkii 5 sano la tifaf-tirayey, ee 3 guddi iska daba saxeen, ee wasaaradda dhan loo sameeyey, ee 375 Mudane ka baaraan-degeen loogu arki waayey qodobba madaxda qoorta isu-galinaya?
  2. Ceebta labaadMudanayaashu fadhigoodii 1aad waxay isha ku dhufteen qodobkii banneynayey in M/Weynu Mudanayaasha kala diri karo, waxayna si ded-deg ah u laaleen qodobkaas, haddaba, maxay u arki waayeyn qaladaadka ka buuxa qodobbada 99-aad iyo kan 100-laad. Ma dantooda kaliyey ka wakiil yihiin mise umaddAa oo idil ayey ka wakiil yiihiin?
  3. Ceebta seddexaadKhilaafka madaxda sare wuxuu soo tixnaa tan iyo dawladdi Carte. Haddaba maxaa loo dhisi waayey Maxkamadda Dustuurka? Maxaase Maxkamadda sare loogu wakiilan waayey in ay qabato shaqadii ay qaban lahayd midda dastuurku, maaddaama ay tahay Haa’yadda kaliya ee garsoorka ku habboon?
  4. Ceebta afraadMarki khilaaf yimaado waxaan maqlaa Barlamaanka ayaa lagu kala baxayaa, waxaanna u qaatay in macnuhu yahay (marlamaankaa madaxda u garnaqaya), haddana waxaan arkaa tiiyo MP-ka kalsoonida laga qaadayo. Waa yaabe, In laba qof loo garnaqo, iyo in iyadoon gar laqaadin mid ka mida labadii loo xaqsoorayey la cisaaro ma wax la isgu qaddaa?

 Waxaan soo xasuustay, sheeko ka dhex-dhacday Xoogga Dalka Soomaaliyed lixdamaadki. Nin askari ah ayaa qori xaday. Maxkamad ayaa la soo taagey. Waxaa sharci ahayd in qofkii aan qareen qabsan Karin, qareen loo qabto. Waxaa askarigii qareen u noqday Sare Guuto Cabdulle Barre Qalaaye oo lagu yiqiin nin aan qallooca la tusin. Xeer ilaaliyihii ayaa askarigii kiis ku soo oogey. Xuu muujiyey in askarigu u dhaartay in uu dalka iyo dadkaba ilaaliyo laakiin taas baddelkeeda wuxuu xaday qorigii logu aaminay. Janankii askariga difaacayey wuxuu ka carooday askariga maskab-xumadiisa. Waa istaagey wuxuuna u qeyliey kor; wuxuuna yidhi:- Qaalli toban sano xir tuug baan-nacaye.Waxaan taas ku keenay, mudanayaashii laga dhawraayey xaq-soorka waxaad moodda in khilaafkii u dhexeeyey M/Weynaha iyo Wasiirka Kowaad ay ka dhigeen mid u dhexeeya iyaga iyo PM. Taasuna waa ku filan tahay shaki iyo ka aamin-bixid ku timaada G/shacabka.

  • Mar haddaan barlamaanku u habaysnayn Haa’yad garsoor,
  • Mar haddii garsoorkii u curyaansan yahay sabab aan la aqoon darteed,
  • Mar haddii khilaaf joogta ah madaxdii Alle jecleeysiiyey,
  • Inta aan garan karo sharciga iyo caqliga midna ma bannaynaayo in arrintaas mooshin lagu xalliyo, haddii taasu dhacdo waxaa loo qaadan kara garsoor la siyaasadeeyey taasina waxay curin karta fidno ka weyn fidnooyinkoo dhan.

Waxaaba arrintaas ila dhaami lahaa in la qaado tillaabooyinkaan hoos ku qoran.

  1. In guddi mudanayaal ah arrinta loo saaro.
  2. In gar-cadaawe oo dastuurku hogaaminayo 2 masuul loo qaado.
  3. In si cad loogu sheego kan garta leh iyo kan laga leeyahayba.
  4. In markii garta lagu kala baxo, danta loo soo noqdo,
  5. In haddii lacalla PM. Garta helo, asii dantu doonto inuu xaafiiska banneeyo, Mudanayaasha iyo waxgaradka kaleba ka codsadaan arrintaas. Xitaa hadduu diido codsiga waa loo qaadi karaa mooshin iyada oo dan-hor-istaagid loo cuskanaayo. Laakiin waa in marka hore gartiisa loo qiraa (garta waa lagu cayilaa).
  6. Waxaa isla dariiqaas loo mari karaan M/Weynaha.
  7. Haddii aynnu rabno M/Weyne aan laga daba hadlin, waa inaan dastuurka ku qoranno. (taasu waa sidaan jeclahay).
  8. Haddaanse qeybinno awoodda, waa in aynnu muranka xaqiisa siinno.
  9. Ugu dambeyntii, waxaan Soomaaliya uga digayaa, in BARACK OBAMA IYO DAVID CAMERON ayna Vilo Somaliya isugu geyn.

NIN WAX QORAY ISAGAA IS QORAY

Madaxa Rugta Maskaxda

Khalif Ashkir Diini

Tel. 44 079 84973905

E mail. Khalifashkir35@hotmail

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com