Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.

0

Mogadishu, 22 November 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Horumarka New Deal, Ansixinta Miisaaniyadda 2015, Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, Ansixinta Hindise Sharciyeedyada Guddiga Xuduudaha & Federaalka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Howlgal lagu soo qabqabtay maliishiyaadka Al-Shabaab, Horumarka Warbaahinta Dalka iyo Waxbarashada.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Horumarka laga sameeyey New Deal ayaa yiri “Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark waxaa lagu qabtay shir taariikhi ah oo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ay ka qeybgaleen. Shirkan oo socday 19kii iyo 20kii November 2014 ayaa looga hadlay qiimeynta waxqabadka iyo horumarka laga sameeyey barnaamijka Hiigsiga 2016 ama New Deal oo September 2013 ay Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Brussels.

Shirkan ayaa wada shir- guddoominayay Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay, iyadoo marti loo ahaa Dowladda Denmark oo Ra’iisul Wasaarahooda ay ka soo qeybgashay shirka. In ka badan 140 qofood ayaa ka soo qeybgalay oo ka kala yimid 59 dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin ku aadan waxqabadka mudadii sanadka aheyd, caqabadaha lala kulmay iyo qorsheyaasha la doonayo in lagu fuliyo barnaamijka Hiigsiga 2016.

Shirka markii uu dhamaaday ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka dhanka amniga, maaliyadda, dhaqangelinta nidaamka Federaalka, iyo iyadoo hoosta laga xariiqay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta Dowladda, Maamul Goboleedyada, Gobolada, iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo in la gaaro himilooyinka ah in Soomaaliya ay ka dhacdo doorashooyin sanadka 2016ka. Ugu danbeyntii ka soo qeybgalayaasha shirka ayaa go’aansaday in lix bilood ka dib dib u eegis lagu sameyo wixii horumar ah ee la gaaro, si loo hubiyo in horumarka jira la sii xoojiyo.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Ansixinta Miisaaniyadda 2015 ayaa yiri “ Golaha Wasiirada ayaa 18kii November kulan ay yeesheen lagu ansixiyey miisaaniyadda dalka ee sannadka 2015 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda. Miisaaniyadda oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha caalamiga ah ayaa gaaraysa $216 malyuun oo dollar, waxana inteeda badan ku bixi doontaa dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka Dawladda. Miisaaniyadda dalka ee 2015-ka waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doonta, waxaana xukuumaddu samaysay horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha Dawladda ah, iyadoo la abuuray hay’ado karti shaqo iyo fulinta hawshaas leh. Dawladda Soomaaliya waxay sii wadaysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn dalka u leh.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa yiri “Ergooyinkii 373 oo in muddo ahba u fadhiyey sameynta Maamul KMG ah oo ay yeelato Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa 17kii November 2014 si aqlabiyad ah u doortay Sharif Hassan Sheikh Aden inuu noqdo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed. Tan ayaa ah tallaabo wanaagsan oo horey loogu qaaday barnaamijka dhaqangelinta nidaamka Federaalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa soo dhoweeyey doorashada isla markaana u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden, kuna dhiiri geliyey in la dhameystiro barnaamijka iyadoo talada laga qeybgalinayo dhammaan dadka deegaanka si loo dhiso Maamul ka yimid rabitaanka shacabka deegaanka. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyey Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Qaramada Midoobey, IGAD, AMISOM iyo Midowga Afrika iyo dhammaan beesha caalamka. Dadaalkan ayaa ahaa mid dadka deegaanka ay in muddo ahba wadeen wadatashiyo, kulamo iyo shirar ay uga arrinsanayaan aayaha deegaankooda. Tallaabadan ayaa ah mid sahleysa in maamulada kale ee dhowaan dhismi doono u noqota dhiirigelin bacdamaa ay Dowladda Federaalka horumuud ka aheyd barnaamijkan isla markaasna ay soo dhoweeyeen doorashadii Madaxweynaha Koofur Galbeed.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey ansixinta Hindise Sharciyadeedka Dhisidda Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta iyo kan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa yiri “Golaha Wasiirada ayaa 18kii November ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dhisidda Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana shaqada guddigan ay muhiim u tahay arrimaha Federaalaynta dalka iyo dhismaha Maamul Goboleedyo rasmi noqon doona. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Guddiga Madaxa Bannaan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana guddigan uu qaban doonaa shaqooyin fara badann oo laf-dhabar u ah xaqiijinta aragtida hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka iyo dimuquraadiyadaynta dalka. Soomaaliya waxay samayneysaa horumar ballaaran oo dhinaca dimuquraadiyadaynta ah, waxaana 2016-ka la rajeynayaa in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan, tanoo ah howlaha loo igmaday Dowladda Federaalka. Hindise-sharciyadeedyadan waxaa loo gudbainyaa Golaha Baarlamaanka.“

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Howgal lagu soo qabqabtay Maliishiyada Al-Shabaab ayaa yiri “Hay’adaha Amniga ee Dowladda ayaa 19kii November 2014 deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka sameeyey Howlgal oo ay ku soo qabteen maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen oo dhibaato ku hayay shacabka deegaankaasi iyo gawaarida marta deegaankaasi, iyadoo dadka shacabka ay soo dhaweeyeen howlgalkaasi. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Xasilinta Dalka oo in muddo ah socday. Deegaanka Jaziira ayaa maalmahii la soo dhaafay dadka deegaanka loo geysanayey falal burcad iyo argagaxiso ah. Hay’adaha Amniga ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgalada lagu sugayo amniga iyagoo sheegey in ammaanka caasimada Muqdisho iyo gobollada kaleba ay soo roonaaneysay maalmihii la soo dhaafay.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Warbaahinta Soomaaliya ayaa yiri “Wasaarada Warfaafinta ayaa in muddo ahba waday horumarinta warbaahinta dalka, waxaana ku faraxsanahay in Nairobi 20kii November kula kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Tom Malinowski oo aan ka wada hadalnay arrimaha siyaasadda iyo sidii Dowladda Mareykanka ay nooga taageeri laheyd horumarinta warbaahinta Soomaaliya oo aan si fiican isagu afgaranay, waxaana uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay Soomaaliya marwalba u garab taagantahay. Dhanka kale 15kii iyo 16kii November waxaan qabanay dood iyo wadahadal u dhaxeeya bahda warbaahinta iyo hay’adaha amniga oo ay soo qabanqaabiyeen Kooxda Taageerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Support Group) oo ay xubno ka socda beesha caalamka iyo haya’adaha caalamiga ee taageera warbaahinta Soomaaliya ay ku mideysan yihiin. Khubaro ka socda Kenya iyo Colombia ayaa laga dhageystay sida wadamadaas ay u xaliyaan khilaafka warbaahinta iyo hay’adaha amniga. Ujeedada ayaa aheyd sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta bahda warbaahinta Soomaaliya iyo hay’adaha Amniga. Goobta waxaa goob joog ka ahaa shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka, Taliska Ciidanka Booliiska iyo Taliska Nabadsugidda. Sidoo kale waxaa dooda iyo wadahadalka ka qeybqaatay warbaahinta gaarka loo leeyahay oo ka kala yimid gobollada dalka, NUSOJ iyo SIMHA. Waxaana goobtaas ka hadlay Madaxa dhanka Warbaahinta ee UNSOM, Madaxa SMSG, Wasiirka Warfaafinta, Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibrahim Pakistan iyo mas’uuliyiin kale.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey horumarka waxbarashada dalka ayaa yiri “Labo boqol oo arday isuguna jira wiilal iyo gabdho oo wax ka dhigta Iskuulka Abuu Xaniifa ee degmada Waaberi ayaa 19kii November 2014 loo qeybiyay agab waxbarasho. Goobta xafladda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, iyadoo agabyadaasi ugu deeqday Xawaaladda Jubba. Cabdiqaadir Cali Siyaad oo ah guddoomiyaha koonfurta Soomaaliya ee Xawaaladda Jubba ayaa sheegay in kaalmadan ay tahay mid ay ugu talageleen in ay ku gar gaaraan carruurta wax ka barata Iskuulkaasi oo isugu jirta agoon iyo kuwa kale oo danyar ah, isagoo intaa ku daray in dharka iskuulka ay ka caawin doonaan carruurtan. Guddoomiyaha hay’adda horumarinta Waxbarashada Soomaaliya “SOHEDA” Maxamed Cali Daahir ayaa xusay in carruurta wax ka dhigata Iskuulka Abuu Xaniifa ay iyagu gacanta ku hayaan oo ay ka kaalmeeyaan xagga waxbarashooda, waxaana uu Maamulka Xawaaladda Jubba uga mahadceliyay kaalmada uu soo gaarsiiyay. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda is caawiyaan, waxaana uu ugu baaqay bulshada inteeda kale inay ku daysadaan talaabada ay maanta qaadeen maamulka Xawaaladda Jubba.”

DHAMAAD

– Wasaaradda Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha

media@moi.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com