Xildhibaanada Beesha Sade oo ka tacsiyeynaya Geeridii S/G. Cumar Xaaji Masale.

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh  uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Xildhibaanada Beesha Sade  geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee S/G Cumar Xaaji Masale oo habeen hore ku geeriyooday dalka Ingiriiska, wuxuna marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Xildhibaan Nuur  ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xildhibaanada Beesha Sade, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxay S/G Cumar Xaaji Masale oo ahaa muwaadin ka dhaxmuuqday bulshada waqtigiisana u horey qaranimada Soomaaliya oo habeen hore ku geeriyooday Ingiriiska.Cumar wuxuu kamid ahaa dadka aad looga qadariyo Soomaaliya saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed bur-burkii kadib iyo ka horba “.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

DHAMMAAD
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com