Xildhibaannada taageersan XASAN oo dalab iyo qorshe yaab leh soo jeediyey

0

Iyadoo uu weli taagan yahay Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/W C/weli Sheekh, ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga kala hadlay Xildhibaanada Qaranka.

Xildhibaanada garabka Madaxweyne Xassan waxa ay soo jeediyeen in kulanka soo socda ee Baarlamaanka laga mamnuuco Hoolka gabi ahaan Xildhibaanada Taageersan R/W C/weli, waxa ayna ku baaqen in Gudoonka Baarlamaanka uu Fadhiga soo socdo xooga saaro sidii lagu najixin lahaa Mooshinka.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow, waxa uu ku taliyay in Xildhibaanada Qaswadayaasha laga mamnuuco Xarunta BF Somalia, isagoona ku taliyay in Jawaari qudhiisa ay mudan tahay in lala xisaabtamo, si loo Ogaado maslaxada ugu jirto inuu Hoolka shirka ka baxo xiliyada ay buuqa sameeyan Xildhibaanada R/W C/weli.

Dhanka kale, Xildhibaan Xidig ayaa isaguna qaba in Jawaari xilka laga qaado haddii Fadhiga soo socda ay Xildhibaanada Fashiliyaan, waxa uuna Arrin laga xumaado ku tilmaamay go’aan la’aan Gudoonka Baarlamaanka oo aan Awoodin xal ka gaarista Fadhiyada Fashilmaayo.

Shalay ayay aheyd goortii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka uu ku goodinaayay in gudaha Asbuucaani uu qabsami doono Kulanka, islamarkaana ay la soo bixi doonaan awoodo Qaran, inkastoo aan lasii saadalin karin go’aanada uu qaadan doono Jawaari.