XOG: Maxaad kala socotaa QORSHAHA Xasan Sheekh iyo Jawaari ee Isniinta?

0

 

uddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa shalay shaaca ka qaaday in mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli loo qeybin doono xildhibaanada, maalinta Isniinta.

Jawaari waxa uu sheegay inaan marnaba loo dulqaadan doonin xildhibaanno fowdo iyo buuq dhaliya, oo howlihii baarlamanka ay ka socon la’ yihiin.

Allgalgaduud ayaa heshay xog dheeri ah oo ku saabsan qorshaha la doonayo in maalinta Isniinta lagu xakameeyo xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ee fowdada looga cabsi qabo.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Allgalgaduud in ciidamo badan oo ka tirsan nabad sugidda iyo kuwa Amisom la geyn doono xarunta baaarlamanka, sida qorshuhu yahay.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in guddoomiye Jawaari iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay la hadleen Taliyaha nabad sugidda Cabdiraxmaan Tuuryare, uuna ballan qaaday in xildhibaankii fowdo la yimaada uu xabsiga dhigi doono, oo aan loo dul qaadan doonin.

Si kastaba, xildhibaanada taageersan Cabdi Weli, oo aan heysan codad ku filan oo ay ku bad baadiyaan ra’iisul wasaaraha ayaa wararka ay sheegayaan inay ku dhaarteen inay fowdo dhigi doonaan isniinta.