XOG:- XASAN iyo Cabdi Weli oo kulmay // maxaa ka soo baxay kulankooda.?

0

Muqdisho, AGGM: Ilo-wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xaqiijiyay in kulan hor dhac ah, ay wada qaaten Madaxweynaha dalka iyo Ra’isul wasaaraha, ayna iminka muuqato rajo ah in la heshiiy.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay wada kulmeen islamarkaana ay si hordhac ah uga wada hadleen talaabooyinka suuragalka ah, haddii ay dhacdo isu soo dhawaansho, iyadoona ay kuwada kaftameen in midba midka kale uu ka ad adag yahay.

Kullanka ayaa la sheegay inuu yimid, ayada oo uu jiro cadaadis caalami ah oo ka imanaya beesha caalamka.

Kulankaani oo ahaa mid Iska caadi ah, ayaa waxaa la tilmaamayaa in labada mas’uul ay kaga hadleen, haddii xal aan ahayn mooshin ay gaarin karaan, balse illaa iyo hadda ma jiraan wax qodobo ah oo la isku raacay.

Wararka waxa ay sheegayaan in kulan mar kale ah ay ku ballameen labada dhinac, hase yeeshee aan la ogeyn waqtiga.

Dhanka kale, Odayaasha kasoo kala Jeeda beelaha Abgaal iyo Daarood, ayaa dadaal dheer ugu jiro sidii lagu xalin lahaa Khilaafka daba dheeraaday ee ka dhexeeya Labada Mas’uul.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com