XOG:- Xildhibaano Muqdisho lacago loo qeybinayo kadibna laga saxiixayo Mooshin & tirada Lacagta la bixinayo!!

0

Warar Hoose aan helnay ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho kasocoto qorshe ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ku diyaarinayaan mooshin la doonayo in laga gudbiyo R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Xubno Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowalada Soomaaliya Siyaasad ahaana aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wada abaabulka mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ,waxa ayna Xildhibaanada inta badan ku kulmaan Hoteelo kuyaala Muqdisho.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noo sheegay in ay jiraan Xildhibaano tiro yar oo la siiyay lacago kuwaa oo markii lacagta la siiyay laga saxiixay mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Muungaab uu qeyb ka yahay dadka wada abaabulka mooshinka looga gudbinayo R/Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna Muungaab Hotel kuyaala Degmada XamarWeyne kula kulmay Tiro xildhibaano ah kuwaa uu midkiiba siiyay lacag dhan 3-Kun oo Dollar kana saxiixay Warqad mooshin looga gudbinayo R/Wasaaraha.

Waxaa sidoo kale abaabulka Moohinka looga diyaarinayo R/Wasaaraha wada xubno ehel dhaw la ah Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo iyana lacago siinaya xildhibaanada kana saxiixaya mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha.

Waxaa jira Xildhibaano labo dhinac oo olole u wada Xafiiska Madaxweynaha ka qaatay lacago kala duwan , waxaana arintaasi ka dhashay is qab qasi ,iyadoona Xildhibaanada labada lacag qaatay laga dalbaday in mid soo celiyaan.
Xildhibaanada lacagta qaatay ee laga saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha ayaa lasoo sheegayaa in tiradooda aysan badneen , waxaa sidoo kale socda dadaalo xoogan ay wadaan xubno ololaha u qaabilsan Madaxweynaha kuwaa oo doonaya soo xero galinta xildhibaano saxiixa Moohinka laga gudbinayo R/Wasaaraha.

Dhinaca R/Wasaaraha ayaa iyana lasoo tabinayaa in ay wadaan dadaalo ay Xildhibaanada qaar uga dhaadhicinayaan in ay ka hor yimaadaan mooshinka ka dhanka ah R/Wasaaraha , waxaana jira Xildhibaano badan oo R/Wasaaraha ugu tagay xafiiska kulamana la qaatay.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa kalsooni badan ka heesta Inta badan Golaha Wasiirada iyo sidoo kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana hada Muqdisho ka socda kala jiidashada Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka.