Xog:Ciidamada Siraaliyoon Ee Kismaayo Oo Lagu Badalayo Ciidamo Ka Socda Dalka Itoobiya….

0

Kismaayo, AGGM:Wararka maanta naga soo gaaraya Ilo wareedyadeen ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dalka Siraaliyoon ee jooga Magaaladaasi ay baxayaan laguna soo badalayo ciidamo ka socda Dalka Itoobiya…

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamada dalka Siraaliyoon ka jooga Magaalada Kismaayo ay baxayaan kadib markii la diiday in Ciidamadanka ciidamadi badali lahaa ay soo gaaraan dalka Soomaaliya oo looga baqay cudurka EBOLA.

Ciidamadan Siraaliyoon ee baxaya ayaa sida wararka nagu soo gaarayaan waxaa la qorsheenayaa in lagu badalo ciidamo ka socda Itoobiya.

Waxaa ilaa hadda ka hadlin qorshaha sida hoose lagu wado dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada AMISOM ee Xalane…

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn waqtiga dhabta ah ee ay baxayaan Ciidamada Siiraaliyoon iyo waqtiga ay ciidamada Itoobiya gaarayaan deegaanada gobolka Jubbada Hoose…

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com