Xog:Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Dhacaysa Maalinta Talaadada Ah Iyo Bur Bur Laga Baqayo…

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Maalinta Talaadada ah la ridayo Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Mooshinki laga geeyay Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh loo cod qaadayo maalinta taalada lana ridayo Xukuumada.

Ilo wareedyadeena magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh Maalinta talaadada ay Xildhibaanada Baarlamaanka Buuq iyo khilaaf la’aan u codeyn doonaan islamarkaana ay ridi doonaan.

Dhinaca kale Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan Haddii Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh la rido in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudna la filayo inuu baneeyo Xafiiska oo uu waxbdan ka dambeyn doonin maadaama uu ku fashilmay Xilka uu u hayay Ummada Soomaaliyeed.

Isku soo wada duuboo Siyaasiyiin badan ayaa horey uga digay in aan la ridin Xukuumada R/wsaare Cabdiwali Sheekh haddii la ridana in la filan karo bur bur in uu saameeyo horumarki dalka tiigsanayay ee hiigsiga 2016 iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu mudo  2 sano ah ku darsado oo aan loo dareerin doorasho xor ah….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com