Fadeexad:Xubno kujira dowlada oo loo heysto dacwad la xiriirta dhoofinta Dhuxusha.

0

Muqdisho, AGGM: Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay jiraan baaritaano ku soxo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo loo heysto dacwad la xiriirta dhoofinta dhuxusha.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la hadlayay warbaahinta Dowlada.
Dhoofinta dhuxusha ayaa horay waxaa amar uga soo saartay Dowlada Somalia gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo tilmaamay in sharcidaro ay tahay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

“Baaritaan ayaan u baxnay aniga iyo xubno kale oo ila socday waxaan soo ogaanay in degmada Baraawe laga dhoofiyay dhuxul,waxaa noo suurto gashay in gacanta aan ku soo dhigno dadkaasi sida sharci darrada ah dhuxusha u dhoofinayay,hadda way xiranyihiin waxaana si dhab ah loo baarayaan dacwadaha loo haysto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Sanadka Cusub ay xafiisyada Xeer ilaalinta laga furi doono Toban Gobol oo ka tirsan Gobolada dalka wuxuuna tilmaamay in la meel mariyay sharciyadii ay ku shaqayn lahayeen taas oo uu uga Mahad celiyay madaxda dowladda.

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah horay digniin uga soo saaray dhoofinta dhuxusha Somalia.

Ururka Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay in dhuxul sharcidaro ka dhoofin jireen goobihii ay gacanta ku hayeen sida Baraawe iyo Kismaayo oo hada gacantooda laga saaray

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com