YAAB DHAGEYSO:- Maxaa maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaareey.? iyo Dagaal….

0

Garbahaarey, AGGM: Garoonka Diyaaradaha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa  ka Degtay Diyaarad sida Ciidamo ay Afafku u duuban yihiin oo u Qaab Eg Ciidanka Gaashaan Ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay gaarayeen ilaa Lix Askari oo Hubeeysan,waxaana siday Diyaarad Qaas ah oo Garoonka geeysay.

Amaanka Garoonka Diyaaradaha Ee Degmada Garbahaareey ayaa Qal qal galay,iyadoona Dadka iyo Ciidamada Ilaaliya Garoonka ay u qaateen in ay Shabaab yihiin.

C/rixmaan Al-ansaari oo ah Sargaal ka tirsan Ahlusunna ayaaAllgalgaduud  u sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay Hubka dhigis ku sameeyeen Ciidamadii Ay Afafku u duubnaayeen,iyagoona markii danbe sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u soo dirtay Garbahaareey si ay Al-shabaab  ula Dagaalamaan.

Sidoo kale Al-ansaari ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in aysan Gobolka Gedo Ciidamo aysan ka warqabin Maamulka Gobolka iyo Ahlusunna u soo dirin si aysan u dhicin Arrinta manta oo kale.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com