Yemen iyo Soomaaliya oo kawada hadlay xiriirka ka dhaxeeya

0

Muqdisho, AGGM: Ra’iisul wasaaraha dalka Yemen Khaalid Bahah ayaa kala hadlay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle xiriirka wadashaqeyneyd ee u dhaxeeya labada dowlad ee Yemen iyo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada iyo ra’iisul wasaaraha Yemen ayaa isku raacay sameyna gudi farsamo oo ka kooban Yemen iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dabagal ku sameynaya hishiisyada ay wada galaan labada dowladood.

Intii uu socday kulanka ay wada yeesheen wasiirka arimaha dibada iyo ra’iisul wasaaraha Yemen, wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa ka warbixiyay horumarka laga gaaray dalka Soomaaliya ee dhanka amaanka iyo howlgalada.

Ra’iisul wasaaraha dalka Yemen ayaa sheegay inay ka go’an tahay taageerada dadaalada lla doonayo in nabad looga dhigo dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Yemen ayaa sheegay in muhiim ay tahay kordhinta xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo amaanka iyo howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Bayle ayaa dhankiisa ku amaanay dowlada yemen taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com