Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo Fariin Hanjabaad ah u diray Saraakiil uu ku jiro Mukhtaar Rooboow

0

Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa fariin hanjabaad ah u diray saraakiil ka mid ah Al-shabaab, oo ugu horeeyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Waxaa ku qorneed in hadii aanay kasoo leexan wado qaldan oo uu sheegay Dheere in saraakiishaan ay ku taaganyihiin in ay mari doonaan wadadii la marsiiyay Ibraahim Afgaan.

Waxa uu u sheegay in xilligaan aanay u baahneen cadow dhexdooda ah, islamarkaana dowladda iyo AMISOM wax u dhaxeeya aysan rabin, hadii saraakiishaan aanay is keenin muddo kooban gudaheeda in loo aqoonsanayo cadowga Kooxda.

Qoraalkaan oo ay heleen ragii loo waday ayaa durba waxaa la dareemay xiisad aan caadi ahayn, waxaana abaabul xoogan sameeyay sida la sheegay ciidamada saraakiishaan oo iskaashanaya.

Godane ayaa Laba u kala qeybiyay Al-shabaab, hase ahaatee markii uu isaga dhintay awood ahaan wey daciifeen, iyaga oo waliba hogaamiye Sameystay.