Ahlu-Sunna oo banaanka usoo saartay gaadiidkooda dagaal iyo xiisad kacsan

0

Wararka naga soo gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb, ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlusuna Wal-jameeca ay xiligaani ay isu uruursanayaan Tuulada Belihowd oo u dhexeysa Dhuuso-mareeb iyo Guruceel.

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sugan yihiin inkabadan 9 Gaadiidka Dagaalka ee Ahlusuna, waxaana la soo warinayaa in Ujeedkooda uu yahay in dagaal lagu qaado deegaanada Dhuuso-mareeb iyo Guruceel oo gacanta ugu jirto Ciidamada DF Somalia.

Sidoo kale, Xoogaga Ahlusuna ee duulaanka qaadaya ayaa waxaa horkacaayo Gudoomiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Mahad shaakir oo iyagu wata ciidamo kor u dhaafayo 100.

Xasan Cabdi Cali oo kamid ah Saraakiisha Ahlusuna oo ku sugan Belihowd, ayaa sheegay inay diyaariyeen gaadiidka Dagaalka islamarkaana ay ku wajahan yihiin Dhuuso-mareeb iyo Guruceel oo ay dhawaan kala wareegeen Ciidamada DF Somalia.

Sargaalka waxa uu sheegay in dhanwaliba ay Ciidamadooda ka dhameystiran yihiin, islamarkaana ay ka go’an tahay inay dib ula soo laabtaan deegaanadaasi.

Dhanka kale, Ciidamada DF Somalia ee hadda ku sugan Dhuuso-mareeb iyo Guruceel ayaa ka biya diidan inay ka baxaan Deegaanada ay hada gacanta ku hayaan.