Al-Shabaab oo qabsatay bas ay saaran yihiin Kenyan& arrin cajiib oo dhacday

0
Kooxo hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday gelinkii dambe ee shalay gaari dadweyne ay la socdeen kaasi oo marayay dhanka xeebta dalka Kenya, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah iyo saraakiisha dowlada.

Weerarka ayaa kusoo aaday bil ka dib markii Alshabaab ay dileen 28 ruux oo aan muslimiin aheyn, kuwaasi oo la socday gaari kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kooxaha hubeysan ayaa gaariga joojiyay iyagoo rasaas ku furay lugaha gaariga, waxayna ku boodeen dusha sare, iyagoo isku sheegay inay yihiin Mujaahidin, laakiin kadib ayay na dhaafeen markii dadka gaariga saaran ay noqdeen dad Muslimiin ah, sidaasi waxaa sheegay Abarufa Kokane oo dadka gaariga la socday kamid ahaa.

“Waxaan u qaadanay inay aheyd maalintii dunida noogu dambeysay, dadka rakaabka ah intooda badan waxay ahaayeen Muslimiin, waxay ku qeyliyeen Shahaadada, iyo aayado qur’aan, taasi oo ugu yaraan dhalisay in kooxaha hubeysan ay u wada qaataan dadkoo dhan inay Muslimiin yihiin”sidaasi ayuu yiri Mr Kokane.

Gaariga ayaa waxaa la socday ku dhawaad 50 ruux kaasi oo kasoo dhaqaaqay magaalada Mombasa kuna sii jeeday deegaanka Lamu oo 100 Kilometres u jira xuduuda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarka ayaana ka dhacay deegaanka Witi oo 50 km u jira deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

Wax qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah lagama sheegin, laakiin bishii July ee sanadkaan isla deegaankaasi Alshabaab ayaa ku dilay todobo ruux oo la socday gaari bas ah oo kusii jeeday deegaanka Lamu.

Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Lamu Fredrick Ndambuki ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee AFP inay baadi goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay weerarkii sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Witu.