Allaha U Naxariisto Soomaaliya Iyo Reer Muqdisho Haduu Cumar Cabdirashiid R/wasaare Noqdo.

0

Waxaa maalmahanba leysla dhexmarayay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo magacaabayo R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, taas oo dareenka shacabka Soomaaliyeed aad u kicisay.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibeddiisa iyo gobolada dalka oo dhan ayaa waxa ay aad uga caroodeen islamarkaana muujiyeen dareenkooda ku aadan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu R/wsaare usoo magacaabayo Cumar Cabdirashiid taas oo ay ku tilmaameen Qiyaano Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la sheegay inuu R/wasaare usoo magacaabayo Cumar Cabdirashiid taas oo ah Qiyaano Qaran maadaama Madaxweyne Xasan dalka Soomaaliya uu ugu talogalay inuu si toos ah u galo gacanta dowladdaha shisheeye hadduu Cumar Cabdirashiid noqdo R/wasaare.

Dr. Cumar Cabdirashiid ayaa horey waxa uu u soo noqday R/wasaare waxaana lagu xasuustaa waxqabad la’aan iyo burbur taas oo sababtay in Madaxweynihi Xiligaas Sheekh Shariif uu ka codsado inuu iscasilo R/wasaare Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu aqbalay codsiga Madaxweynihi Xiligaas, waxaana la sheegaa inuu shuruud dhaqaale ku xiray taa uu Madaxweyne Shariifna ka aqbalay oo loo ogolaaday dhaqaalihi uu dalbaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dareenka shacabka waxa uu in mudo ah u muuqday inuu haboyaraato’e u naxayen Dalka iyo Dadka, hadduu Cumar Cabdirashiid u magacaabona R/wasaare taas ayaa shacabka Soomaaliyeed daliil cad ugu filan.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu Badda Soomaaliya u saxiixay dalka deriska nala ah ee Kenya, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay musuq maasuq iyo Eex cad oo uu kula kacay shacabka Muqdisho.

Ugu dambeyntii waxaa xaqiiqo ah hadduu Madaxweyne Xasan Sheekh soo magacaabo Cumar Cabdirashiid in xaalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ay ku dambeen doonaan Allaha U Naxariisto Soomaaliya Iyo Reer Muqdisho.

Maxamed Saciid Faarax
Nairobi, Kenya