Askari dil geystay iyo Wariye lagu xiray Baladweyne

0

Labo qof ayaa dhimatay, labo qof oo kalena way dhaawacmeen, kaddib markii askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka uu rasaaseeyay gaari xamuul ah oo marayay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka dowladda ayaa gacanta ku dhigay askariga ku eedeysan falka dilka ah.

Dadka dhaawacmay waxa haleeshay Rasaas Ciidamadda Dowladda ay ku kala ceyrinayeen Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay Xaafado badan oo kamid ah Magaaladda Beledweyne.

Dibadbaxa ayaa yimid dhowr Cisho kadib markii la xeray Wariye Cismaan Aadan Careys oo ka howlgala Telefishinka Somali Channel waxana loo xerey Baahinta Wareysi uu ka qaaday gudoomiyaha Garab kamid ah Laba Urur oo wada sheegtay Ururka dhalinyaradda Gobolka Hiiraan.