Beelaha Habar-Gidir oo ka biyo diidan qorshe uu damacsan yahay GUULEED

0

Xildhibaano kasoo Jeeda Beesha Habar Gidir, ayaa sheegay in Odayaasha Beeshooda ay kasoo horjeedan in Xukuumada Cusub lagu soo daro C/kariin Xuseen Guuleed oo xilkii uu beesha uga wakiilka ahaa May 24, 2014 iska Casilay isaga oo aan latashan Odayaasha.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in C/kariin Guulleed uu yahay Mas’uul Beesha ka tirsan, balse xiligaani aan taageero ka heysan Odayaashii lahaa Xulashada Xubnaha uga mid noqon lahaa Xukuumada Cusub.

Sidoo kale, kulamo u dhexeeyay Odayaasha iyo qaar kamid ah Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga kala dhacay Hoteelada Makka Al-mukarama, Nasa hablod Two, ayaa waxa ay qalinka ku duugen in C/kariin Guulleed uusan xiligaani matali karin Beesha, waxa ayna farta ku godeen in Guulleed uu yahay shaqsi aan ka tala qaadan Beesha, balse u adeega DamJadiid.

Kulamada iyo ka hor imaanshaha Siyaasada C/kariin Guulleed, ayaa waxa ay imaaneysaa xili Madaxweyne Xassan uu damacsan yahay in Guulleed uu kusoo daro Xukuumada Cusub, xili Xildhibaanada qaar ay ka biyo diidan yihiin in dib loo soo celsho Xubno aan hor socod laheyn.