DAAWO FADEEXAD: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Doonaya Deynta Lagu Leeyahay Darteed Inuu Axmed Madoobe U Sharciyeeyo Inuu Yahay Maamul Buuxa Oo La Yiraahdo Jubbaland.

0

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo  maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka qeyb galay munaasabad  lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ee  ka midka ah  Ciidamada  Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayeen  xildhibaano, saraakiil, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay horjoogeyaasha Raaskambooni, iyo qeybaha kale duwan ee buslaada ku nool magaaladaasi, iyagoo intaa kaddib ka qeyb galay munaasabaasi lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Lion.oo dib ugu laabanaya dalkooda.

Ciidamada Seirra Leone ee ka baxaya Soomaaliya ayaa sababta dalkooda ay dib ugu laabanayaan ay tahay, kadib markii la waayay ciidamadii bedeli lahaa, maadaama uu dalkooda ka dilaacay cudurka Ebola.

Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa u rajeeyay ciidamadaasi ka tagaya Soomaaliya inay si nabad ah dalkooda ku tagaan, waxaana uu ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen howl galka AMISOM intii ay ku sugnaayeen Gobolada Jubooyinka.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ayaa waxa uu ahaa inuu xaliyo khilaaf ka dhex qarxay isaga iyo Horjooge Axmed Madoobe oo salka ku haya lacag gaareysa 3 milyan oo doolar, balse magac ahaan ayaa waxaa loo dhigay in Madaxweynaha u tagay Kismaayo inuu sagootiyo ciidamada Amisom ee dalkooda ku laabanaya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe maanta wixii ka dambeeya loogu yeeri doono Madaxweyne oo uu yahay maamul dhameystiran.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Allgalgaduud ayaa sheegaya In horjooge Axmed Madoobe lacag gaadhaysa 3 Milyan oo Dollar oo lagu riday Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo mooshin been abuur ah looga abuuray Madaxweyne Xasa iyo Damajadiid ay ka soo amaahdeen.

Taas badalkeeda ayuu Xasan Sheekh siiyay aqoonsi ah in maamulkii heshiiski Addis ababa la isku waafaqay inuu KMG ahaado oo iminka waqtigii ay ka harsan tahay 5 bilood uu yahay maamul dhammeystiran oo Jubbaland la yiraahdo.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Xasan Sheekh waa waxaan laga yeelayn deeynta lagu leeyahay inuu ku badasho Masiirka dadka daga Jubbooyinka, waxa ayna horseedi doontaa dagaalo dib uga qarxa deegaanada Jubbooyinka oo ay ku daataan dhiig fara badan.

20141218635544922304206127P1140004-1-466x350 20141218635544922478356166P1140013-466x350 20141218635544922659971234P1140017-466x350 20141218635544923091887960P1140050-466x350 20141218635544923227803715P1140051-466x350 20141218635544923425733557P1140053-466x350 20141218635544923596570504P1140024-466x350 20141218635544925153979397P1140026-466x350 20141218635544925537383211P1140028-466x350 20141218635544927687183298P1140053-466x350 20141218635544932926702244P1140059-466x350 20141218635544933714684912P1140060-466x350 20141218635544935118720485P1140062-466x350 IB0A5892-1-515x343 20141218635544927687183298P1140053-466x350 20141218635544929392324458P1140054-466x350 20141218635544929571578205P1140055-466x350 20141218635544932262288618P1140058-466x350 20141218635544932926702244P1140059-466x350 20141218635544933714684912P1140060-466x350 20141218635544935118720485P1140062-466x350 20141218635544935387430835P1140064-466x350 20141218635544935848006630P1140068-466x350 20141218635544936256730203P1140069-466x350 20141218635544936690267576P1140071-466x350 20141218635544937134953830P1140072-466x350 20141218635544937435837906P1140074-466x350 20141218635544937771179955P1140079-466x350 20141218635544938125611054P1140080-466x350 20141218635544938575543883P1140082-466x350 IB0A5515-515x343 IB0A5530-515x343 IB0A5532-515x343 IB0A5554-515x343 IB0A5747-515x343 IB0A5761-515x343