DAAWO MUUQAAL: M/weynaha Soomaaliya oo Xalay la Kulmay Cumar Cabdi C/rashiid.

0

Warar ay heshay Warbaahinta gudaha dalka gaar ahaan kuwa Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay Madaxtooyada Soomaaliya ay ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ah Shaqsiga loo maleenayo in Madaxweynaha Soomaaliya uu u Magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka.

Kulan oo aan si dhab ah loo ogeyn Natiijada ka soo baxaday  ayaa la sheegay in ay Goobjoog ka ahaayeen marka laga sootago Madaxweynaha Wasiirka Garsoorka Faarax Sheikh C/qaadir,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka  C/llaahi Goodax Barre iyo C/kariin Xuseen Guuleed,kuwaas oo kamid ah Shaqsiyaadka u dhaw dhaw  Madaxweynaha islamarkaana Dadaal ugu jira in ay mar kale ay kamid noqdaan Xukumadda Cusub.

 

 

HALKAN KA DAAWO KULANKII XASAN IYO CUMAR