Daawo: Xildhibaano Xaflad Samirsiin Ah Ugu Sameeyeen Magaalada Muqdisho Sii Hayaha Wasaarada Maaliyada…

0

Munaasabad lagu samirsiinayay Sii hayaha Wasaarada Maaliyada Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Musharax xilka R/wasaaraha ayaa waxay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ay ka qaybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu samirsiiyay sii hayaha wasaarada Maaliyada oo aad ugu dhawaa in xilkaan loo magacaabo.

Xildhibaan Gaarane oo ka mid ah xildhiobaanadii ka qaybgalay kulanka ayaa wuxuu sheegay Xuseen Cabdi inuu u qalmay xilkaan laakiin aysan noqon.

Mudane. Xalane oo ka hadlay munaasabadaan loo qabtay asaga ayaa wuxuu sheegay inuu qanacsanyahay isla markaana uu la sii shaqayn doono dowladda.

Isku soo wada duuboo Mudane Xuseen ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo asaga ay aad isugu dhowaayeen horeyna ugu balameen inuu in xilkan u magacaabayo balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga baxay balantaas, mana ay ahan markii ugu horeysay ee Madaxweynaha uga baxo balantan oo kale…

Halkaan Hoose Ka Daawo