Dhageyso: Soomaali Lagu Eedeeyay Aragagixiso Kal Kaal Oo Lagu Xukumay Dalka Finland.

0

Dad lagu eedeeyay inay taageero dhaqaale ku taageereen Alshabaab ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Finland, waxaana maxkamad ay xukuntay afar ruux oo lala xiriiriyay Alshabaab.

Afarta ruux ayaa maxkamada waxay sheegtay inay Soomaaliya usoo direen 3,700 inta u dhaxeysay sanadihii 2008 ilaa 2011, iyagoo usoo dirayay ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Seddex kamid ah dadkaasi ayaa lagu xukumay shan bilood oo xabsi ah, waxaana afartooda ay horay ugu jireen 7 bilood oo xabsi ah intii baaaritaanada ay socdeen, sida maxkamada ay sheegtay.

Afarta dhalinyarada ayaa hadda lagu ganaaxay xabsi dhan sanad iyo afar bilood, waxaana waxyaabaha kale ee lagu eedeynayay ka mid ahaa inay Alshabaab u qori jireen dhalinyarada ku dhaqan dalkaasi.

Afarta ruux oo aan la sheegin halka dhalasho ahaan ay kasoo jeedaan, ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyay, waxayna sheegeen in dhaqaalahaasi ay ku caawinayeen dad Soomaaliyeed oo dhibaateysan.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraro ka dhacay dalka Soomaaliya iyo dalka Kenya sanadkii 2013.

Inka badan 10,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegaa inay ku nool yihiin dalka Finland, waxaana badankood ay ka carareen dalka Soomaaliya sanadkii 1990.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso