DHAGEYSO:- Ciidamada dowladda oo isku diyaarinaya qaadista weeraro ka dhan ah Shabaabka ku sugan aaga Tiyeegloow

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa isku diyaarinaya qaadista weeraro ka dhan ah Shabaabka ku sugan deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Sida uu alldhacdo ee Magaalada Muqdisho u sheegay Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Degmada Tiyeegloow Cali C/laahi Nuur ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wada qaban-qaabada ku aadan qaadista weeraro ka dhan ah Ururka Shabaab.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay qaadayaan weeraradaan si Shabaab looga saaro, deeganada ku xeeran Tiyeegloow ee ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda.
Guddoomiye kuxigeenka Degmada Tiyeegloow ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha weeraradaan ay kaga gol leeyihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka Tiyeegloow hoostagga oo Shabaab ay go’doomiyeen.
Xoogaga Shabaab ayaa go’doomiyay Magaalooyinka Gobolada Baay iyo Bakool ay ka joogaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.