Gudoomiye ku xigeenka degmada Tiyeeglow ee dowlada Soomaaliya Cali C/laahi Nuur oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay kujiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ku wajahan dagaal ay lagalaan Al-shabaab.
waxa uu tilmaamay in dagaalkan ay qeyb ka qaadanayaan ciidamo dhawaan tababar loo soo xiray islamarkana Al-shabaab laga xoreynayo deeganada wali gobolka ay kaga harsan yihiin.