Dhageyso: Dayactirka Xarumihi Hore Gobolka Hiiraan Oo Maanta La Dhagax Dhigay…

0

Maamulka gobolka Hiiraan iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigey xarumo danta guud oo isugu jira sida dhismaha maxkamad, xarumaha maamulka degmada , suuqyo iyo gobolka iyo waliba aqalka odayaasha.

Cali Xaaji Aadan waxa uu ka tirsan yahay wasaaradda maaliyadda ayaa sheegey in muddo sanad ah ay dhiraandhiranayeen mashaariicda, islamarkaasina ay qiimeyn ku jireen, ugu dambeyntiina maanta ay suurogashay in la dhagaxdhigo dib u dayactirka xarumihii dowladda iyo dhismaha kuwa cusub.

Xarumaha qaarkood ayaa waxaa la dhisey waqtigii xoriyadda ka hor, waa kuwa gaboobay, sidoo kalana ku burburey dagaaladii sokeeye. Waxaa ka mid ah dhismihii maamulka gobolka ee taarikhiga ahaa kaasi oo la dhisey 1940-kii.

Cabdifataax Xassan Afrax, guddoomiyaha Hiiraan ayaa sheegey in mashaariicdani ay yihiin kuwa shaqo abuuris looga gol leeyahay, islamarkaasina dakhli uu kasoo galayo dowladda.

 

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso