Dhageyso: Cabdi Qeybdiid oo sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee dalka.

0

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka madaxwaynaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ee la doonayo in dhowaan la dhiso.

Cabdi Qaybdiid, ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka badali doono xaaladda gobolada Mudug iyo Galgaduud hadii loo doorto xilka Madaxwaynaha maamulka goboladaas, isla markaasina uu ku soo kordhin doono amni, dhaqaale iyo horumar dhinacwaliba leh.
Dhanka kale C/qaybdiid, ayaa ka hadlay waxqabadka maamulkiisa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxwaynaha maamulka Galmudug, waxuuna tilmaamay in intii uu jiray maamulka dib u dhis lagu sameeyay xarumihii dowladda ee koonfurta magalaada Gaalkacyo.

Halkan hoose Ka Dhageyso.