Dhageyso: Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali “Somaliland Caburin Ayay Ku Haysaa Dadka Reer Awdal”..

0

Iyada oo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorame ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo dhashay kadib markii Suldaanka Beelaha Halkaasi dega uu ku dhawaaqay in ay ka go’ayaan Somaliland ayaa waxaa arrintani ka hadlay xildhibaan kasoo jeeda Awdal oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali ayaa sheegey in xukuumadda ay ciidamo tiro badan geysey gobolka Awdal, islamarkaasina arrintii waanwaanta lagu xalin lahaa ay isku dayayso in ay ciidamo iyo xoog u isticmaasho.

Wuxuu xukuumadda ku eedeeyey in ay jiraan ajandayaal kale oo dowladda u qarsoon oo ka weyn xal ka gaarista arrina Awdal.

“Amni Darro ma dhacdo adduunka illaa cadaalad daro ay dhacdo” ayuu yiri xildhibaan Axmed oo sheegey in haddii cadaaladda la waayo aysan nabad dhacaynin.

Wuxuu dowladda ka codsaday in ciidamada tirada badan ee Boorame lasoo dhoobey lagu celiyo xeryahoodii, muranka jirana lagu dhameeyo qaab wadahadal.

 

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso