Dhageyso: Xildhibaan Cabdulaahi Gees “Maamulada Gobolada Dalka Loo Sameenayo Waxay keenayaan In DDadka Shacabka Dhexdiisa Islaayaan”

0

Xildhibaan Cabdulaahi Gees oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Fedraalka ayaa sheegay in maamulada loo dhisayo gobalada dalka in ay keeni karto isku dhac dhanka shacabka ah iyo sidoo kale in dadkii iyo dalkii lasii kala gooy gooynayo.

Cabdulaahi Gees ayaa sidoo kale sheegay in xilligaan loo baahan yahay dalka oo dhan in la’isku keeno, Soomaalidana ay yihiin dad wada dhashay, hogaanka dowladana laga doonayo in ay dalka mideeyaan.

“Waxaa la rabaa dalka Soomaaliya in la’isku keeno, nin walba oo hogaanka qabto waa inuu ku taamaa inuu ka shaqeynayo Soomaaliya oo dhan, waxyaabaha hadda la sameynayo ma ahan wax ay ku jirto danta Soomaaliya, waxaan ka mid ahay dadka kasoo horjeeda maamul gobaleedya, Federaalka iyo Xuduudaha ayaan, uljeedka aan uga soo horjeedo waxay tahay Soodimaha waxbaa ka dambeeya, dad wada dhashay baan nahay, dad gabigood walaalo ah ayaan nahay, dhibaatooyinka naloo maleegay ayaa keentay in sidaan naloo qeybiyo” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaan Gees ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka ah in ay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya oo dhan la’isugu keeni lahaa, meeshana looga saari lahaa maamulo iyo kala qeybin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Soomaaliya Dowladda hadda ka dhisan waa mid Federaal ah, waxaana dhawaan dhismay maamulo KMG ah, iyadoo lagu gudo jiro dhismaha maamulo kale oo sababi kara in dalka uu dib ugu laabto dagaalo sokeeye, maadaama beel walba iyadu doonayso inay awooda maamulada gacanta ku dhigto..

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso