Dhageyso: Xildhibaan Ubax Tahliil “Waan Ka Digayaa Maamul Usameynta Gobollada Dhexe”.

0

Xilli dawlada federaalka Somaliya ku mashquulsan tahay maamul loo sameynayo Gobollada Dhexe ayaa waxa jirta Xildhibaano ka digay in maamulkaasi lagu dhawaaqo inta la xalinayo culeysyo jira.

Xildhibaan Ubax Tahliil waxay sheegtay in Mudug oo ay kawada taliyaan maamulada Galmudug iyo Puntland ay isu heystaan garoomada diyaaradaha islamarkaana iyadoo xal laga gaarin arintaasi maamul Gobollada dhexe loo sameyn Karin.

Sidoo kale waxay Xildhibaanadu sheegtay inay ka digayaan maamulka la qorsheynayo oo ay dawlada ku dadaasho dib uheshiisiinta dhex dhigto dadka wada deggan Gobolka Mudug ee labada dhinac ka kala arimiya kadibna howsha maamul usameynta la guda galo.

Hadalkaan ayey Ubax Tahliil ka jeedisay kulan Xildibaanada Baarlamanaka Shalay Sabtidii ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

 

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso