Dhageyso: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Oo Maanta Ansixiyay Gudiga Federaalka Iyo Xuduudaha.

0

Waxaa Maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey hindise sharciyeedka gudiga federaalka iyo xuduudaha kaasi oo horey uu mar u diidey baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah guddoomiye ku xigeenka Gudiga Arrimaha gudaha ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey sharciga ka hor intii aanan loo codeynin, kadibna waxaa la guda galay codeynta.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cawad oo shir guddoominayay ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey natiijadii kasoo baxday codbixinta.

“Waxaa codkooda dhiibtay  145 mudane, 13 waa ay diideen sharciga, 3 waa ay ka aamuseen, Waxaa u codeeyay 129, sidaasina uu sharciga ku meel maray.

Mahad ayaa sheegey in sharciga loo gudbin doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu u saxiixo, kadibna faafinta rasmiga ah loogu soo saaro si loo dhaqangaliyo.

Dhinaca kale Sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xildhibaanada oga mahadceliyey ansixinta xeerkani.

Isku soo wada duuboo Gudiga Baarlamaanka ee Federaalka iyo Xuduudaha waxa uu ka mid yahay kuwa dhawr ah oo muhiimad weyn u leh hiigsiga 2016-ka xiligaasi oo la doonayo in dalka doorashooyin laga qabto.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso