Dhageyso:Waxgaradka Waqooyiga Galguduud Oo Qaadacay Maamul U Sameynta Gobolada Galguduud Iyo Mudug.

0

Iyadoo maalintii shalay loo soo gabagabeeyay tababar socdey todobaad isla markaana looga hadlayay sidii maamul loogu sameyn lahaa gobalada Galguduud iyo Mudug ayaa qaar ka mid ah bulshada ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud ayaa  waxa ay dhaliilsan yihiin arintaasi iyaga oo sheegay in ay tahay arin ka fiirsasho badan u baahan.

Waxgaradka iyo aqoonyahanada ka soo jeeda Waqooyiga Gobalka Galgaduud ayaa waxa ay qabteen Shir jaraa,id oo ay arintaasi kaga soo horjeedaan dhaliilna ugu jeedinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo cid walba oo ku lug leh arintaasi.

Shirkaan jaraa,id oo ay qabteen aqoonyahanada iyo waxgaradka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo mihiim ah oo ay u arkeen in aan laga fursan Karin waqrigan xaadirka ah in laga hadlo.

Faarax Jaango’an oo ah Afhayeenka  waxgaradka u hadlay ayaa saxaafada ka hor akhriyay qodobadi ka soo baxay shirkoodii iyo Cambaareyta ay jeedinayaan..

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso….

W/D. Wariye Sharmaake Cabdi Khaliif
Xafiiska Warqabadka AGGM Caabduwaaq, Soomaaliya