Live u dhageyso:- Maleeshiyo beeleedka Kismaayo oo burburin ka billaabay xaafadda Farjanno, cabashada dadweynaha iyo dibadbax Kismaayo ka socda

0

Qaar ka mid ah dadka ku Nool xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in ay ka walacsan yihiin bur burin ay tilmaameen in shaqsiyaad gaar ah ay ku  hayaan  guryo ku yaala xaafadaasi.

Dadkani ayaa cabasho ka tirsanaya maleeshiyaadka Raaskambooni ee Axmed Madoobe oo ay sheegayaan in ay burburin ku hayaan.

Dibadbaxyaasha, qaar ayaa sheegay  un cabashadooda ay u gudbiyeen,   Maamul beeleedka Degmada iyo kan Gobalka isla markaana aysan  jirin  jawaab ay ka heleen Maleeshiyada horjooge Axmed Madoobe.

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa xaafado ka tirsan Kismaayo ka billaabay barakicin ay ku sameynayaan dadka deegaanka iyadoo meelaha qaarna la sheegay inay ka hirgalinayaan dekad macmal ah kadib markii la mamnuucay dhoofinta dhuxusha, si dhumaalaysi ahna halkaa ay uga dhoofiyaan Raaskambooni iyo Kenya.

Waxa ay  ka dalbadeen Maamulka Juba in  uu soo fara galiyo  bur burin ay sheegeen in lagu hayo  halka ay degan yihiin.

Qof ka mid  ah dadka cabashada ka qaba Maleeshiyada Raaskambooni ayaa sheegay in dhulalka la duduminayo oo laga kicinayo dadka shacabka ah ay yihiin kuwa sharciyeysan.

Wareysi Kooban: