Top News: Maamulka Puntaland oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Cusub.

0

War qoraal ah oo ka soo baxay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa lagu taageeray islamarkaana lagu soo dhaweeyay magacaabista madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Ra’isul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Maamulka Puntland iyadoo  tix’galineysa islamarkaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo  siyaasadda soomaaliya waxay  marwalbana taageereysaa  qorshe walba oo  ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka, sidaasi daraadeed waxay Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/shiid Cali Sharmaarke .