Maxaan Filan Karnaa Ka Dib Magacaabista R/wasaaraha Cusub? Xusuusin Intaadan Falin Ka Fiirso.

0

Afeef. Intaadan Falin Ka Fiirso, Nin Walbaana Intuu Ii Jirsadaan U Jirsan…

Waxaa Socday in mudo ah Mucaarado baaxad leh oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh, Urur diimeedka Damujadiid iyo R/wasaareyashi  Xukuumadihi hore.

Waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh dalka dibeddiis uu kala kulmay Mucaarado badan, waxaa sidoo kale Idaacadaha iyo Tv-yada ka socon jiray doodo u dhaxeeya Mucaarad iyo Muxaafid si aadna ah loogu mucaaradayay Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo urur diimeedka la sheego inuu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sida la filayo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo magacaabayaa R/wasaare Cusub oo badlaya midka hada sida KMG ah u sii haya Xilka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hubaal ah inaan lagu heysan wax qabadkiisa iyo ururka Damujadiid balse lagu Heeystay oo kaliya R/wasaaraha dalka kama uu dhalan beesheena ama kama soo jeedo deegaanadeena, waana wax ay garan kareen oo kaliya inta garashadooda fogtahay ama damiirka iyo dareemaha leh wax lagu garto.

R/wasaareyaashi hore waad  rideen ama toos u rida ama si dadban u rida’e,  maanta markii lasoo magaaco R/wasaare beeshiin ah ama kasoo jeeda deegaanadiina maxaad naga filanaysaan?

Maxaan Filan karnaa ka dib magacaabista R/wasaaraha Cusub?

Masii socon doonaan Mucaaradadi ka dhanka ahayd Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Damujadiid xaalkuna waxuu noqonayaa mar haddii la helay R/wasaarenimo halkaaan doonayay waan joogaa ee adigay kuu taal waxaad yeelayso? Anna waan ogahay waxaan yeelayo.

R/waaaraha Cusub markii la magacaabo masii socon doonaan Mucaaradnimadi ka dhanka ahayd Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ururki Damujadiid? xaalkuna waxuu noqon doonaa Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin wanaagsan oo qiimo badan, Damujadiid-na waa been abuur majiraan wax la yiraahdo Damujadiid oo waxaas waa dacaayad? weliba waxaa dhici karta inaan aragno iyadoo la leeyahay Madaxweyne Xasan iyo Damujadiid waa wiilasheeni.Waan qabaa in la marsado kaarka beenta ah cid Alle cidii ay marayso.

Dhinaca kale Waxaa arki doonaa R/wasaraaha Cusub haduu u dhoofi waayo dalka dibeddiisa amaba (Safar gali waayo) iyadoo aan magacyo loo bixinayn oo la oranayo,R/wasaaraha waa fariid geesi ah, mase aragteen xafiiskiisa sida ay shaqada habeen iyo maalinba uga socoto ma maleen kartaan?

Isku soo wada duuboo Soomaalida waxay ku maah maahaan Rag waxaa isu yaqaan laba nin oo wada dhalatay, cidii dhexgashaana waa ay ku dhumi, Walaanse la ii qarin mindiyihi leeygu qali lahaa, Aa soo jeedaa aniga ma jiifo ee ku shubta cidaad ku shuban kartaan, ee Alloow Warka Muqdisho laga soo  sheegayo dhab ka dhig.

bashiir

Xasan Guuleed Cali
Nairobi, Kenya

The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.